Saturday, May 17, 2014

Mordi oo la filayo inuu ku guulaysto Doorashada Hindia


HindiaaasNew Delhi(GNA)Natiijada hor dhaca ah ee Doorashada Dalka Hindiya ayaa muujinaysa inuu ku guulaysanayo 50% Xisbiga uu hogaaminayo Ninka Ganacsadaha ah ee Narendra Modi thundered ee BJP (Bharatiya Janata Party).




Taageerayaasha xisbiga ayaa goor sii horaysaba ka dabaaldegyo ka dhigaya dibada xaruntooda dhexe ee ku taalla caasimada New Delhi.




Gudiga doorashada India ayaa sheegaya in 66.38% dadkii is diiwaangaliyay ay codkooda dhiibteen.




Doorashadan ayaa waxa  codkooda ka dhiibtay 551 milyan oo codbiyayaal ah, kuwaas oo ka codeeyay 1.8 milyan xarumood.




Guusha hor dhaca ah ee Mordi helay, ayaa lagu tilmaamayaa mid Taariikhi ah, 63 sanadood oo Hindia Madaxbanaanayd.




282 Kursi ayuu ku guulastay Xisbigiisu sida ka muuqatay Natiijada hor dhaca ah ee codbixintu, waxaana hadii uu helo isu geynta 340 uu awood u yeelanayaa inuu xukunka dalka la wareego, sidaa waxa sheegay Telefishanka NDTV.




Mordi oo hadlay ayaa sheegay inuu arkayo Dhaqaalaha Hindiya oo kor u kacay iyo isbedel muuqda oo Xisbigiisu ku sameynayo dalka.




Sheegashada Guushan waxa ku gacan saydhaya Hogaamiyeyaasha Xisbiga uu ka soo jeedo reysal-wasaaraha hada talada haya oo hore u haystay Aqlabiyada Baarlamanka Hindiya.