Pages

Sunday, May 18, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo ku biiray Kumanaan Caawa isugu soo baxay Shaaracyada Hargeysa


 siinanyHargeysa(GNA)-Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo wehelinayaan xubno ka mid ah Golaha wasiirrada Somaliland iyo Saraakiisha Ciidanka Ammaanka ayaa goordhaweyd ka soo baxay madaxtooyada, laguna arkay Magaalada dhexdeeda isagoo indho indhaynaya.DSC03187




Xuska sanad  guurada 23-aad ee gooni-isutaaga Somaliland, ayaa ka bilaamay Magaalooyinka dalka, gaar ahaan magaalada hargeysa oo ay dadku markii saalada Maqrib laga soo baxay ay isugu soo baxeen jidadka.




Amaanka ayaa aad loo adkeeyay magaalada Hargeysa, waxaana ciidamadu gaadiidka ku baadhayaan inta badan isgoysyada.




Gaadiidka ayaa lagu amray inay wixii 12:00 Habeenimo ka dambeeya aan la joojinayo.




“haa baabuurtu way hooyanayaan wixii hada ka dambeeya, goor dhaw ayaa la joojinayaa socodka Baabuurta”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Sarkaal Bilayska ka tirsan.




Madaxweynaha ayaa indho indhaynaya goobaha dadku isugu soo baxeen, laakiinse socdaal qarsoodiya weeye oo aan hore loo shaacin.




Gaadiid badan oo codbaahiyeyaal Suugaan waddani ahi ka baxaysa lagu soo rakibay ayaa maraya jidadka waaweyn ee Magaalada, kuwaasoo saxmad iyo buuq sameeyay.




Gaadiidka ayaa dadku dusha iyo gudaha ug baxeen qaarkood, waxaana eryaya dad dhalinyaro u badan.DSC03185




Dadka ayaa dhamaantood Calanka Somaliland Maryo ka samaysan sita, qaar ayaa lu lebisan, kuwona waxay ka tosheen Garbo saar iyo go’yaal.




Cimiladda ayaa ah mid degen  Magaalada Hargeysa, waxaana galabta ka da’ay roob lagu qabowsaday.




Muuqaalka Magaalada ayaa wax weyn iska bedelay markii cad ceedu dhacday, waxaana meel kasta ka ifa Nal qurux badan.




Munaasibad lagu daah – furayo xuska ayaa ka socda qaar ka mid ah Hudheelada waaweyn, kuwaasoo ay ka heesayaan Fanaaniin aad loo jecelyahay.DSC03186