Friday, May 16, 2014

Maamulihii Haamaha Shidaalka Berbera oo la eryay


Hargeysa(GNA)-Wasiirka Ganacsiga Somaliland ayaa eryey Maareeyihii Haamaha Shidaalka Berbera, Maxamuud Gahayr Ismaaciil,waxaanu ku bedelay masuul cusub.




Muran ayaa muddo dheer ka taagnaa Maamulka Lacagta ka soo baxda Haamaha Shidaalka Berbera ,taasoo toos ugu dhacda Madaxtooyada, balse Maamulkeeda Wasaaradda ganacsiga la hoos geeyay.




Khilaafka ayaa u dhexeeyay Wasaaradda madaxtooyada iyo tan Ganacsiga ee Maamusha xaruntan Hay’adaha Dakhli soo saarka ku jirta.




Masuulka hore ayaa lagu bedelay Isuduwihii hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Gobolka Saaxil Saleban Siciid Cali, kaasoo ka mid ah xubnaha ugu madaxa taagan ama dhanka siyaasadda Xukuumaddu Gobolka wax ka waydiiso.




Sidaasina waxa lagu cadeeyay Wareegto uu soo saaray Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo Warbaahintu heshay.




Wareegtadaasi oo aan lagu caddeynin sababta xilka looga qaaday Masuulka la eryay, ayaa lagu amray inuu ku xilka ku wareejiyo ninka lagu bedelay.




“Aniga oo kaaga mahadnaqaya Mudadii aad xilka haysay, laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu tahay 15/05/2014 waxaan kaa qaaday xilkiii aad haysay ee Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera.




Sidaa daradeed, Waxaan




ku farayaa inaad sida uu yahay nidaamka dawliga ah yahay inaad xiI wareejin buuxda u samayso, Maareeyaha Cusub ee aan xilkan u soo igmaday Mudane Saleebaan Siciid Cali.” Ayaa lagu yidhi.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Masuulka la eryay oo la xidhiidha talaabada wasiirku xilka kaga qaaday.




Waa markii labaad ee la bedelo Maareeyaha Wakaalada Shidaalka dawladda oo ay inta badan Mucaaridku xukuumadda ku dhaliilaan in la lunsado lacagta ka soo baxda, taasoo ay xukuumadda Siilaanyo eriday sanaddo ka hor Shirkadii Total ee gacanta ku haysay xiligii Xukuumadihii Rayaale iyo Cigaal.




Xafiiskan ayaa Maamul Haamaha Kaydka Shidaalka, isla markaana la socda xaalada Shidaalka dalka.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanonimonews.com