Burco(GNA)-Boqolaal Ruux ayaa isugu soo baxay Jidadka waaweyn ee Magaalada Burco.
Dadka ayaa laga dareemayaa saxmad iyo shucuub dheeraad ah oo ay ku soo dhaweynayaan xuska sanad guurada 23-aad ee gooni-isutaaga Somaliland.
Burco ayaa ah Magaaladii Somaliland gooni-isutaageeda lagaga dhawaaqay 18-kii May sanadkii 1991-kii, waxaana ku yaala dhismaha Taariikhiga ah ee shirkii ugu horeeyay lagu qabtay.
Wariyaha Magaalada Burco ee Gobanimonews Axmed Muuse Maxamed oo sugan Badhtamaha Suuqa ayaa soo sheegaya in inkasta oo dadku isu soo baxay, hadana aanay jirin wax rabshado ah oo ka dhashay, dadkuna ay iyagu iska waaninayaan wax kasta oo ammaanka waxyeelaya.
“dadku waxay isugu soo baxeen si ka duwan sidii hore, waxaanay marayaan Jidadka iyagoo is abaabulaya oo fariimo nabad-gelyada lagu lagu dhowrayo”ayuu yidhi Axmed Muuse
Maamulka Gobolka ayaan dadweynaha la hadlin ilaa maanta, wax warbixin ahna aan siinin warbaahinta.
Wariye Axmed Muuse oo isku dayay inuu Badhasaabka Gobolka wax ka waydiiyo sida looga dabaal-degayo Magaalada Burco iyo qaabka dadku u marayaan Gaardiska subaxnimada, ayaanay suurto gelin kaddib markii loo diiday inuu la kulmo.
Dhinaca kale sida wariyuhu sheegayo waxa Magaalada Burco ku sugan saddex Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland.
Wasiirradan ayaa kala ah Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Abgaal iyo Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir, kuwaasoo ka soo laabtay Maanta shaqaaqo ka dhacday Gobolka Buuhoodle oo ka qayb-galka Munaasibadaha 18 May ugu hakaday Burco.
si kastaba ha ahaatee waxa dadka reer burco waxay ka war sugayaan sida xaalku noqon doono subaxnimada marka waagu beryo.
La soco wixii soo kordha …