Pages

Friday, May 16, 2014

Ilmo sanad jir ah oo ka soo dhacay Fooq 11 Dabaq ah


ilmoMinneapolis (GNA)-Wiil Soomaali ah oo sanad iyo sadex bilood jir ah, ayaa badbaaday, ka dib markii uu kasoo dhacay dabaqa 11-aad ee dhismaha Riverside Plaza oo ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Marayakanka.




Wiilkan oo magaciisa la yidhaahdo Muuse Guuleed, ayaa xaaladdiisa culus tahay, waxaana lagu dabiibayaa Cisbitaalka Hennepin ee magaalada Minneapolis.




Aabaha wiilkan oo magaciisa la yidhaahdo Guuleed Axmed ayaa ka waramay sida uu wiilku u soo dhacay.




 waxaanu sheegay in markii uu shilku dhacayey uu gabar saddex jir ah oo uu dhalay kula ciyaarayey balakoonka qaybta ay ka deggen yihiin dhismaha,kaddib isagoo ku jira Jikada guriga qaybta uu ka degenyahay, ayaa  gabadhiisu u sheegtay in Muuse  uu ka dhacay balakoonka.




Waxyaabaha sababay in Muuse uu badbaado ayaa waxaa ka mid ah isagoo intii uu dhulku u sii socdey aan taaban derbiga dhismaha, biraha iyo qalabka korontada ee ku xiranyahay iyo isagoo markii dhulka gaaray ku dul dhacay goob uu qashin yaalay.




Muuse ayaa waxaa loo bixiyey magaca ah (Canugii mucjisada ahaa), taasoo sabab looga dhigay qaabka la yaabka leh ee uu ku badbaadey, iyadoo la xusuusto in dabaqa 6aad ee dhismahan uu ka dhacay sanadkii 1998-dii wiil kale oo labo sano jir ahaa kaasoo la sheegay inuu geeriyooday.




Dr. Tina Slusher oo ka tirsan dhaqaatiirta la tacaaleya xaaladda caafimaad ee wiilkan yar, kana hawlgasha qaybta daryeelka carruurta ee xarunta caafimaadka Hennepin ayaa sheegtay in Muuse xaaladdiisu degen tahay.




 hase ahaatee uu dhaawacyo ka qabo maskaxda, sambabada iyo laf-dhabarta, uuna ka jabay feeraha, gacmaha iyo lugaha.




wiils