Saturday, May 17, 2014

Dagaal ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex maray tuulo ka tirsan degmada Buur-dhuubo


(GNA) Wararka ka imaanaya degmada Buur-dhuubo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu saakay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex maray Tuulo 15-KM u jirta degmadaas, halkaasoo ay weerareen ciidamada dowladda.




 




Gudoomiyaha degmada Buur-dhuubo Xasan Maxamed Cabdi ayaa sheegay in howl galka uu ahaa mid ay ku sifeynayeen deegaanada ku dhow dhow degmada, isla markaana isu furaan tuulooyinka ku teedsan.




 




Waxaa uu sheegay in howl galka uu ahaa mid qorsheysan, ayna kala eryeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa tuulooyin ku dhow dhow Buur-dhuubo, waxaana uu intaa ku daray in dhankooda aanay jirin wax qasaare ah oo soo gaaray, isla markaana dhinaca Shabaab aanay ogeyn.




 




"Howl galka shalay ayuu bilowday, maanta ciidamada waxay weerar ku qaadaan Tuulo la dhaho Qeybo oo 15-km dhinaca bari ka xigta Buur-dhuubo waa ka ceerinay Shabaabkii joogay, tuulooyin badan oo agagaarka magaalada waa ka saarnay"ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Buur-dhuubo oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho.




 




Xoogaga Al-Shabaab ayaa tan iyo markii lagala wareegay degmadaas weeraro xiriir ku soo qaadayay, isla markaana go'doomiyay degmada, waxaana saraakiisha howl galka hogaaminayay ay tilmaameen in tuulooyinka qaar ay sahayda u soo mareysay degmada Buur-dhuubo.




 




Al-Shabaab ayaa tan iyo markii lagala wareegay bishii Maarso deegaano badan waxay bilaabeen weeraro iyo go'doomin ay ku hayeen degmooyinka laga qabsaday, taasoo keentay in xaalad nolol xumo uu ka dhasho.