Monday, May 19, 2014

Ciidanka Madaxtooyada oo si fool xun u bahdilay Muuse Biixi + Sawirro


Waxay ku khasbeen innuu Masaafo dheer u lugeeyo Qasriga Madaxtooyada…




IMG_3471Hargeysa(GNA)-Askarta illaalada Madaxtooyada Somaliland ayaa Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye  si fool xun oo Masuuliyadda uu hayo meel ka dhac ku ah ula dhaqmay Maanta, kaddib markii ay isku hortaageen Gaadhi u siday dhinaca Madaxtooyada waddada u dhaxaysa Cisbitaalka Guud iyo Dhismaha Goleyaasha Baarlamanka, halkaasoo masaafo dheer u jirta goobta xafladu ka socotay ee uu ku socday.




Muuse Biixi oo lagu siday Gaadhigiisa gaarka ah oo Landcruiser ah, ayaa dhinaca Wasaaradda dib u dejinta ka soo galay Isgoyska Madaxtooyada dhanka bari kaga beegan oo ciidanku joogay.




Waxaana markii uu soo gaadhay meel la siman Aqalka Baarlamanka isagoo aan soo gaadhin halka ay waddooyinku isku jaraan, waxa halkaasi ku hakiyay Askar Bilays ah oo dadweyne qamaamsan Laamiga dhexdiisa ku hortaagnaa, kuwaasoo markii ay garteen  soo daayay, isla markaana ka raali geliyay joojinta ay waabiyeen.




Hase ahaatee, waxa mar qudha ku soo booday oo Gaadhiga Guddoomiyaha xabad isla hortaagay dhawr askari oo ka mid ah Koofiyad casta ilaalada Madaxtooyada, kuwaasoo si ka aradan curfiga dawladnimada iyo masuuliyadda handidayay Maanta dadka u socda Xaflada Madaxtooyada oo qaarkood shaqooyin u socdeen, qaarna ahaayeen dad muxtarim ah  oo la soo marti qaaday.




Askarta ayaa markii ay Gaadhiga guddoomiye Muuse  joojiyeen waxay ku amreen inuu halkaasi ka noqdo oo aannu waddadan ka geli Karin Madaxtooyada, ee uu ka soo galo  dhinaca Gobolka,  taasoo ku khasbaysay inuu soo wareego Masaafo dhan dhawr Kilometer.




Guddoomiye Muuse ayaa markii ay askar qori la haadhaaya amarkan deg deg ugu dhiibeen iyagoo aan qiimeynin masuuliyada uu hayo iyo Karaamadiisa shakhsiga ah, ka soo degay Gaadhiga uu saarnaa, waxaanu darawalkii u waday isna ku amray inuu dib u noqdo oo uu soo wareego, balse uu isagu halkaasi uga lugayn doono Madaxtooyada.




Askarta ayaan dheg u dhigin buuq iyo dhawaaqyo dadweyne goobta tubnaa iyo kuwo ka agdhawaa kaga jawaabeen isbaarada askarta Madaxtooyadu u dhigeen Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.




Hase ahaatee Guddoomiye Biixi oo aanay wajigiisa waxba iska bedelin, muujinayana debecsanaan iyo inuu dhawrayo waajibka saaran askarta xilka uu qaranka u hayo qiimeyn wayday, ayaa u dhaqaaqay dhanka madaxtooyada, isagoo waxoogaa hadal maagis iyo kaftan isugu jira ku sii tuuray Taliyaha Askarta halkaasi joogtay.




Dadweynihii dhacdadan goob-jooga u ahaa ayaa la dareemayay inay si weyn uga xumaadeen go’aanka askartu ugu diiday inuu Gaadhigiisa ku galo xayndaabka ammaankiisa aadka loo adkeynayay ee Madaxtooyada oo saraakiil kale oo dawladda ka tirsani iyagoo gawaadhi wata gala baxayeen.




Guddoomiye Muuse Biixi ayaa bishii april dhamaadkeedii loo doortay hogaamiyaha shanta sanadood ee soo socda ee xisbiga talada haya ee Kulmiye, iyadoo aan cid kula loolantay jirin.




Hase yeeshee waxa uu maalmo yar kaddib markii la doortay isaga iyo xubnaha kale ee hogaanka ku dhawaaqay inuu Musharax madaxweyne u taaganyahay shanta sanadood ee soo socda, taasoo loolan dhawaan soo shaac baxay ka dhex abuurtay isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo.




Inkasta oo falkan maanta lagu bahdilay aan loo aanayn Karin, hadana waxa muuqata in Madaxweyne Siilaanyo daaha dabadiisa ka riixayo Guluf siyaasaddeed oo lagag baajinayo inuu Kursiga madaxweynaha u tartamo shanta sanno ee soo socda.IMG_3472IMG_3470




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com