Pages

Monday, May 19, 2014

Ciidanka Bilayska Hargeysa oo boqolaal qof ka dhex qabtay Nin laga shakiyay


Hargeysa(GNA)-Ciidanka Bilayska iyo kuwa Ilaalada dharcadka ah ee sugayay ammaanka agagaarka Madaxtooyada Somaliland xuska 18 May ee Maanya ku beegnayd, ayaa xabsiga u taxaabay Nin laga shakiyay oo ay ka dhex qabteen dadkii shacabka ahaa ee isugu soo uruuray  Isgoyska Ishaarada Madaxtooyada.




Ninka ayaa la qabtay isagoo fananaya Dayrka Wasaaradda Cadaalada iyo Maktabada Masaarida ee dhinaca Bari kaga qabsan Madaxtooyada, waxaanay Ciidanku sheegeen inuu doonayay inuu koro taar dusha lagaga xidhay Dayrka oo ah mid cusub oo dhawaan la dhisay.




Waxaana la qabtay ka hor intii aan Ciidamada, Shaqaalaha iyo Ururrada Bulshadu socodka ku marin halkaasi, iyadoo ay Askartu hal mar uun ay kala soo dhex baxeen Boqolaal qof oo waddada laamiga ah ee dhinaca Koonfur u baxda fadhiyay, kaddib markii ay ku qabteen isagoo Taarka koraya.




Waxyaabaha dhaliyay Shakiga Ninkan lagu xidhay ayaa waxa ka mid ahaa Kabo Qadh ah iyo Suun Ciidan oo uu xidhnaa,kuwaasoo laga shakiyay sababta uu u xidhay maadaama aanu askari ahayn.




Dad goob-joogeyaal iyo askarta ayaa Gobanimonews u sheegay in Ninkani uu ku andacooday inaanu wax dhibaato ah waddin, balse isla markiiba waxay ciidanku ku sheegeen inuu fal gacanta kula jiray, isla markaana naftiisa ku biimaynayay inuu meel halis ah uga gudbo xaga madaxtooyada.




Askarta ayaa isla goobtii Kabaha iyo Suunka uu xidhnaa kaga saaray Ninka oo ilaa dhawr iyo labaatan jir da’diisa lagu qiyaasay.




Ciiidamada kala duwan ee ammaanka ayaa u muuqday maanta kuwo foojignaan dheeraad ah qabay, iyadoo intii ay dabaal degyada 18 May ka socdeen Caasimadda dhacdooyin amni daro oo sidaasi u culusi aanay dhicin marka laga reebo dhalinyaro isku shiidayay Jidadka iyo xaafada dhexdooda oo dakharo is gaadhsiiyay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com