Saax-dheer(GNA)-Ciidamada Somaliland ee gobolka Sool ee ayaa gacanta ku dhigay Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Isinka Guud ee Beelaha Gobolka Sool, kaddib markii ay saaka arroornimadii weerar ku qaadeen degmada Saax-dheer oo ay maalmahanba abaabul ciidan iyo mid siyaasaddeed ka wadeen isaga iyo Cali Khaliif Galaydh.
Garaad Jaamac ayaa ka mid ah Isimada Dhulbahante ee wax ka aasaasay Maamulka Khaatumo, kaasoo ilaa hada oo Maamulkaasi aanu awood ku lahayn deegaamadii uu saldhigyada ku lahaa, hadana wali ku foogan dhaqdhaqaaqyo uu ku soo noolaynayo.
Kolanyo Ciidamada Somaliland oo fadhiisin ku leh aagaaga sool, ayaa markii ay weerareen saaka sax-dheer oo masaafo dheer 90KM jirta Laascaanood, waxa ka baxsaday xildhibaan Cali Khaliif oo ka mid ah aasaaseyaasha Khaatumo, kaasoo weerarka ciidanku ku waajahnaa.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay inay ciidamadu Garaad Jaamac ugu tageen Saax-dheer, kaddibna ay halkaasi ku qabteen, bale markii dambe ay iska sii daayeen.
“Ninkaa waanu qabanay, laakiinse markii dambe waanu iska sii deynay, waxaanan ku nidhi orodoo meeshaad ka timi qabo, laakiinse ninka aanu doonaynay wuxuu ahaa Cali Khaliif oo abaabul ciidan waday”ayuu yidhi Sarkaal u hadlay ciidanka Somaliland.
Garaad Jaamac iyo Cali Khaliif oo dhalasho ahaan ka soo wada jeeda Degmada Saax-dheer , ayaa ah saaxiibo rafiiq ku ahaa saaxada siyaasadda lixdii sanadood ee ugu dambeeyay.
Waxaanay socodkan ka wada yimaadeen dalka Itoobiya oo ay booqasho ku tageen dhawaan.
Cali Khaliif ayaa isagu muddo todobaad ka badan ku sugnaa Magaalada Buuhoodle oo xarun u ahayd Maamulka khaatumo la baxay, balse haatan siyaasaddo kale ku weheliyaan.
Waxaana wasiirka Caafimaadka Somaliland oo Maanta ka soo laabtay booqasho uu halkaasi ku joogay dhawr usbuuc sheegay in reer Buuhoodle iska eryeen Cali Khaliif.
Wararka aannu ka helayno deegaamadaasi ayaa sheegaya in Cali Khaliif iyo kooxda la socday aan la ogayn ilaa hada meesha ay u baxsadeen wallow loo filayo dhanka Qoryaley.
Dhinaca kale, Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa caawa si weyn looga diyaar garoobayey xuska sanad guurada 23-aad ee gooni-isutaaga Somaliland.
Dhaqdhaqaaqyo loogu diyaar garoobayo 18 May oo ku beegan Axada Berri ayaa ka socda Magaalada.
Gobanimonews
Laascaanood Office
Email: editor@gobanimonews.com