Jamaal: Afar Cashuurrood ayay Xukuumadda Siilaanyo kordhisay
Faysal: reer Somaliland iyagaa Qabyaalada geeyay Koonfur, iyagaa ugu Guul-wadeyaal badan..”
Daawo: Hogaanka Xisbiga Ucid oo Reer London Xaqiiqda dalka taala uga waramay..
London(GNA)- Taageerayaasha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee Ucid ayaa Xaflad soo dhaweyn ah Magaalada London ugu sameeyey hogaanka Xisbigaasi iyo oo uu ka mid yahay Muj.Cali Yuusuf (Cali guray), taasoo ay ka hadleen xubno miisaan leh.
Dadka ka hadlay Munasibadaasi ka hadlay, waxa ka mid ahaa Guddoomiyaha Xisbiga, Musharaxa madaxweynaha , Muj Cali-guray iyo xubno ka mid ah Madaxda Dalka Uk ee Xisbiga.
Muj. Cali guray oo xafladaasi ka hadlay, ayaa soo qaaday arrinta aadka ugu xiisaha badan dhanka Siyaasadda Somaliland, taasoo ah loolanka Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye oo ay si weyn ugu hirdamayaan Guddoomiyaha Xisbigaasi Muuse Biixi iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo doonaya inuu mar kale isu soo taago madaxweyne.
“Siilaanyo lagama yaabo inuu Muuse Bixii Musharaxa Madaxweynaha uga tanaasulo”ayuu yidhi Cali guray.
“Codka cida bixisa ee laga helaa waa reer Maroodi-jeex, nin kasta oo cod helaana iyaga ayaa soo saara, markaa waxaan leeyahay Reer Maroodi-jeexoow Maanta waxa la gaadhay xiligii aynu Xisbiga Ucid u hiilin lahayn”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Halkan ka Daawo Xafladda uu ka hadlay oo dhamaystiran: