Tuesday, May 20, 2014

Askari si anshax xumo ah Baastoolad ula soo baxay isagoo Madaxweyne Siilaanyo la socda


sawir yabMid ka mid ah Ilaalada Madaxweyne Siilaanyo ayaa Baastoolad gacanta ku laalaadsanaya isagoo la socda Madaxweynaha.




Arrintan ayaa dhacday Habeennimadii Axadda ee ay soo galaysay 18 May, oo Somaliland looga dabaal degayay sanad guurada 23-aad.




Madaxweynaha ayaa habeenimadii socod qarsoodi ah ku dhex maray Magaalada Hargeysa, isagoo booqday dhawr goobood oo Wasaaradda Warfaafintu ka mid tahay.




Madaxweynaha ayaa marayay marka askarigu falkan ku kacay afaafka hore ee Wasaaradda madaxtooyada.




Ma cadda sababta ku kaliftay, laakiinse dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobabimo news u sheegay inuu ka shakiyay dad goobta ku sugnaa oo Wariyeyaal wasaaradda warfaafinta ka tirsani ka mid ahaayeen.




Askarta Madaxweyne Siilaanyo Ilaalisa oo intooda badan la keenay intii uu Kursiga fadhiistay, qaarkoodna aanay lahaynba aqoon ciidannimo, ayaa inta badan ku kaca ficilo meel ka dhac ku ah shaqada ay hayaan.




Waxay mararka qaar marka madaxweynuhu xaflado ama goobo fagaare ah joogo, isku dhacaan dadka, iyagoo buuq iyo dagaal kala hortaga dadka.




Waxay gacanta u qaadaan dadka xiliyada qaar.




Sida uu askarigani xabadda u sitaa ma ahan si qurux badan oo anshaxa askarinimo waafaqsan, iyadoo ay dadka badankiisu aad uga yaabeen.