Somaliland miyey ka baxday heshiiskii isusocodka Bulshooyinka Koorfur iyo Waqooyi?
Hargeysa(GNA)-Ciidamadda Bilayska Somaliland ayaa xabsiga dhigay Abwaan da’yar oo caan ka ah Somaliland.
Xasan Saleban Dhuxul oo ay Walaalo yihiin Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland,ahna Guddoomiyaha Koox Fanneedka Xidigaha Geeska ayaa bilaysku xidheen, isagoo ka soo laabtay safar ay muddo todobaad ah Muqdisho ugu maqnaayeen isaga iyo afar xubnood oo ka mida ka mida Kooxda Xidiguhu.
Bilayska ayaan wax tafaasiil ah ka bixin xadhiga Ninkan shaqaalaha dawladda ka tirsan, isla markaana hal abuurka ah, balse ilo wareedyo ayaa tibaaxaya in xadhigiisu shaki ka dhashay sababta ay Xamar ka doonneen isaga iyo xubnaha la socday.
Isu socodka dadka caadiga ah ee Somaliland iyo Somaliya ayaa ah mid caadi ah oo aan wax siyaasad ah ku lug lahayn, laakiinse xubno ka mida Kooxda Xidigaha Geeska ayaa laga soo xigtay in la siyaasaddeeyay socdaalka shanta xubnood ku taageen Muqdisho.
Labada Maamul ee Muqdisho iyo Hargeysa ayaa dhawr jeer isfaham ku gaadhay in isu socodka bulshooyinka labada dhinac noqdo mid isu furan oo aan wax dhibaato ah dadka rayidka ah loo geysan.
Qodob ka mida Heshiiskii ay ku gaadheen Turkiga Bishii March ee 2013-ka iyo heshiisyo hore oo labada maamul dhex maray labadii sanadood ee la soo dhaafay ayaa dhigayay sidaasi.
Dad hore oo la xidhay
Inkasta oo Heshiiskaasi aan lagu kala noqon, hadana Somaliland ayaa dhawr jeer ku geftay fulinta heshiiskaasi oo qayb ka ahaa sidii horumar looga gaadhi lahaa muranka Siyaasaddeed ee jira.
Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Xisbiga kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxamed, ayaa horantii sanadkii tegay lagu xanibay Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Berbera.
Sidoo kale waxa jirta xaasaasiyad mar walba taagan oo dawladdu ku hayso dhaqdhaqaaqa dhinaca Koonfurta ee Bulshada gudaha Somaliland.
Xidigaha Geeska oo marti-qaad helay
Kooxda Xiddigaha Geeska, ayaa dhawaan Martu-qaad ka helay dalka Ustareliya oo shuruud uga dhigay imaatinkooda inay sitaan baasaboorka dawladda la aqoonsanyahay ee Somalia, maaadaama Somaliland aanay aqoonsi ka haysan bulshada caalamka, sidaas darteedna ay fannaaniintan oo ka tirsan kooxda iyo Guddoomiyaha Xasan Dhuxul ugu safreen inay ka soo qaataan magaalada Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee, Fanku ma leh xuduud, xadhigna ma gayo fannaanku, fannaanka Soomaaliyeed wuxuu xor u yahay bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay ku suganyihiin inuu tegi karo.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com