Pages

Sunday, April 6, 2014

Xasan Guure iyo M. Xaashi oo Wasiir Xirsi Madaxtooyada ugu geeyay warqad xujo ku ah Siilaanyo


“ilaa warqadaa aanu jawaabteeda aanu helnana wax faah faahin ah oo aanu ka bixinayanaa ma jirto”Xasan Guure




Waxa warqadda ka guddoomay Ninkii ay ka Fanteeyeen Xukuumadda ee Xirsi oo Albaabka ka furay!




XirsiHargeysa(GNA)-Hogaanka Siyaasiyiinta ku bahoobay dalad siyaasaddeedka Madasha Wada-tashiga iyo toosinta Qaranka la baxay, ayaa sheegay inay Madaxweynaha Somaliland u gudbiyeen warqad qoraal ah oo ay u qoreen Madaxweynaha.




Talaabadan ah mid kedis ah oo lama filaan ku noqday dadka arrimaha Siyaasadda ku foogan.




 Khilaaf xoogan oo laysku mari waayay ayaa ka dhexeeyay Xukuumadda iyo Golahan oo markii lagu dhawaaqay muran xoogani ka dhashay magaca ay sitaan iyo ujeeddadooda siyaasiga ah.




Inkasta oo aanay labadii bilood ee ugu dambeeyay ka  soo muuqan fagaareyaasha Siyaasadda, hadana mucaariddad badan oo ay xukuumadda ku kiciyeen dabayaaqadii sanadkii hore ayaa wali raadadkeedu sii muuqdaan.




Madasha Wada –tashiga ayaa hore ugu dhawaaqay Shirweyne Qaran oo ayaaha waddanka lagaga tashanayo, kaasoo markii ay dawladdu is hortaagtay ay asxaabta Mucaaridka ah soo dhex mariyeen, asxaabtuna qabashadiisa ku wareejiyeen Akaademiyada Nabadda.




Shirkaasi wali lama qaban, laakiinse wali asbaabihii lagu saleeyay qabashadiisu waa kuwo taagan.




Guddoomiyaha Madasha Xasan Guure iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi ayaa qoraalka ay soo saareen u gudbiyay Aqalka Madaxtooyada, iyadoo uu ka qabtay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xasan, sida ay Gobanimonews xogo ku heshay.




Xasan Guure Jaamac oo markii ay qoraalkaasi gudbiyeen Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Madaxweynaha u gudbiyeen qoraal ka hadlaya halka ay marayso himiladii Ururka SNM dalka ku xoraysay, maadaama maanta ay ku beegantahay 33 guuradii Aasaaska SNM.




“Maanta waa 6 april waana malintii la aas aasay ururkii SNM ragii aas aasayana waxaa ka mid ah oo ka nool maxamed xaashi ,xasan ciise,cabdisalaan yasiin cabdiraxaman cabdi qaadir sidaad arkayseena waxaa aanu galnay madaxtooyada waxanan madaxweynaha a u qoranay warqad uu nuxur keedu yahay wixii SNM himiladeedu aheyd ee dagaalkii SNM loo galay halkuu iminka uu maraayo.




 dalka waxaa ka jira ee anaga noo muuqada waxanu talo moodanay ayaanu warqada ku qoranay tana madaxweyanha ayaanu u gudbinay”ayuu yidhi.




Xasan Guure ayaa sheegay inaanay wax faahfaahin ah bixinayn ilaa qoraalkaasi madaxweynuhu uga soo jawaabo.




“ ilaa warqadaa aanu jawaabteeda aanu helnana wax faah faahin ah oo aanu ka bixinayanaa ma jirto wax aanu talo moodanay ayaanu madaxweyanaha u gudbin” .




Waa markii ugu horaysay ee Golahan siyaasaddeed si toos ah oo aan warbaahinta la sii marin ugu gudbiyaan madaxweynaha arrimo la xidhiidha dhanka siyaasadda.




Waxaanay taasi keentay isweydiimo fara badan oo ku saabsan wajigan kale ee ay ku bedeleen qaabkii hore ee ay xukuumadda ula hadli jireen, khaasatan eeddeymihii ay warbaahinta u marin jireen.




waxyaabaha ugu xiisaha badan ee arrintan laga dheehanayo ayaa waxay tahay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay hore uga fanteeyeen xukuumadda, ayaa ka qabtay Warqadda oo ay madaxweynaha ugu dhiibeen.




Madasha wada-tashiga ayaa Wasiirka Madaxtooyada iyo ashkhaas kale hore ugu tilmaamay halbeega hagar daamada Qaranka iyo dawladnimada.




Si kastaba ha ahaatee talaabadan ayaa u muuqata debecsanaan siyaasaddeed oo ay la yimaadeen kooxdan siyaasiyiinta ah ee dawladda falaadha ku noqday sanadkii ugu dambeeyay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com