Pages

Tuesday, April 8, 2014

Xadhiga Wargeyska Haatuf oo la Cambaareeyay


Republic Of Somaliland 



downloadXisbiga Daryeelka iyo Cadaalada UCID 



WARSAXAAFADEED 



Hargeisa 



U jeedo : Canbaarayn Xadhiga Wargayska Haatuf 



Xisbiga Caalada iyo Daryeelka Ucid waxa uu canbaarayn xoog leh u soo jeedinayaa Falkaa badheedkaha . Awood sheegayasada , Shirci gabinta , Indho la,aanta ah isla markaan markhaatiga u ah In aan xukuumada maanta tallada dalka haysaa aanay Dastuurka iyo Xeerarka dalka midnab ixtiraamayn .



Iyadoo waliba adeegsanaysa ciidamda loogu talo galay cadowga argagaxisada ka hor taga ee RRU .



Xisbiga Ucid waxa uu aaminsan yahay falkaa Lagula Wareegaya Xarunta Wargeyska Haatuf , Inuu ka dhashay hantida qaranka ee La Musuq Maasuqaya ee Wargaysku is Wadanimo ah Ugu Fitiimiyey iyo Dhaliilaha waxa lagu Toosiya ee Macaaridka oo Si Fiican uu u Qorayey .



Habada Xisbiga Ucid waxa uu Cod Dheer ku Canbaaraynaa Falkaasi Foosha Xun Ee Baal Marsan Dhamaan Shuruucda Dalka Somaliland oo Imika Xukuumada Tallada Dalka haysaa Ay Cadaaysatay .



Sida Sharcigu Sheegayo waxa looga Baahan yahay Hadii ay Dacwada u Qabto Wargeysa , Wargeysa Haatuf oo Shaqaynaya Maxkabada loogu Yeedho , Isla Markaan sidaaasi dacwadood ku socoto ilaa inta dani kaga hor cadaanayo maxkabad sharciga ah .



Sidaasi Dareed waa in Xukuumadu si Deg Deg ah Ciidamada uga dulqaadaan Xarunta Wargayska Haatuf ee sifaha Xaaraanta ah lagula wareeegay , Loona soo Celiyo madax banaanidiisa shaqo , Sida ugu Dhakhsaha Badan Leh .



Ugu danbaynti Xisbiga Ucid waxa uu uga Digayaa Xukuumada Tallada Haysaa ku Xad Gudubka dhamaan Xoriyatul Qawka , Iyo Ku Tumashada Xuquuqda Saxaafada ee Soo Noqo Noqotay .Tusaale ahaan Waxa ilaa Maanta Sifo aan La Garanin Lagu Haysaa Wargeyskii Hubaal . Sidoo Kale Waxay Xukuumadu Xidh xidhay Wariyaal Gaadhay ilaa Boqol Sanadii Sanadood ee Tallada Dalka Haysey . Taasi oo Xisbigu u Karo Waxaan Loo Dul Qaadan karin .



Xogahaha Warfaatinta ee Xisbiga Ucid 



Mudane. Kayse Yusuf Abdilaahi