Tuesday, April 8, 2014

Waa maxay Asbaabaha keena burburka Qoyska?


burburka(GNA)Guurka waa xidhiidhka ugu adag uguna weyn taas oo ay in badan lagu sheegay quraanka kariimka Nabi Muxamed CSW-na uu in badan ka hadlay guurka ayaa lagu tilmaamaa aas aaska mujtamaca wanaagsan, maxaa yeelay labada xaas (ninka & naagta) waxay hiigsanayaan mustaqbal qudha ula jeedkooduna waa mid kaliya, laakiin su’aasha ayaa waxay ka taagan tahay laba kasta oo is qabta ma yihin kuwa ku guuleysta xidhiidhkooda? Naftaada  weydii su’aashan si wanaagsana u fukir waxadna heleysaa jawaabta ah: maya, waa sidan maxaa yeelay xadhiidh walba oo aduunka korkiisa wuxuu leeyahay wajiyo kala duwan waxaadna ku arkeysaa qof ku dhaqmi kara durafahaasi kuna noolaan kara iyo qof aan ku dhaqmi Karin kuna noolaan Karin,  hadaba hadii ay dhacdo in ay isku dhacaan mar walba labada qofood ee is qaba ma jirto wada kele ee ku fikirayaan ilaa iyo furiin mooyee iyo in la dumiyo qoyska iyo gurigii qurxoonaa.




 




 




Hadaba waxaan idin soo bandhigeynaa sababaha ugu muhiimsan uu ku yimaado furinka labada qofood ee is qabta:




 




1-Rabitaanka labada qofood oo noqda mid kala duwan:




 




Qofkasta rabitaankiisa iyo ula jeedadiisu waa mid asiga u qaas ah waana mid aad u muhiim ah waxaana muhiim ah in labada qofood ay ka wada hadlaan guurka ka hor si ay u gaadhaan xal ka dhaxeeya labadooda, maxaa yeelay hadii ay ka wada hadlin rabitaankooda iyo qofwalba wuxuu hiigsanayo waxay dhibaato ku tahay in ay sii wadaan noloshooda guurka , sidaa darteed wadada ugu wanaagsan ayaa waxay tahay in ay wada falanqeeyaan inta lagu gudojiro haasaawaha, hadii kale halkaa waxaa ka imaan kara furiin.




 




2-Isticmaalka wax yaabaha maandooriska:




 




Waxaa hubaal ah caadeysashadda daroogada caadeysiga wax yaabaha maanka dooriya waxay bur buriyaan guurka ama nolosha ka dhexeysa labada qofood, sababtoo ah shaqsiga isticmaala muqaadaraadka wuxuuba xakameyn Karin noloshiisa sidaa darteed sidoo si wanagsan uu ku xakameyn karaa nolosha xaaska, hadii labada qofood ee isqabta midkood uu yahay mid isticmaala wax yaabaha maanka dooriya waxaa halkaa ka imaanaya furiin waana xalka ugu wanaagsan.




 




3-Barbaarinta Caruurta:




 




Barbaarinta caruurta waa mid aad u adag waxaana muhiim ah in ay ka wada qeyb qataan aabaha iyo hooyada barbaarinta ubadkooda, maxaa yeelay caruuruta waxay u baahan yihiin cuno cabid, daawo , jiif ciyaar, iyo nadaafad WIM. Waxaad arkeysaa wax yabaha aan ka soo hadalnay oo dhan aabahan reer kuna  uu tago shaqadiisa aanu  qabanin maxaa yeelay hooyada kaligeed way ku adag tahay in ay qabato hadii aan lala garab galin , waxaana halakaa ka imaanaya isku dhac keeni kara furiin.




 




4-Xadhiidhka oo aan wanaagsaneyn:




 




Hadii uu yahay qofka mid la dhibaatoonaya xidhiidhka ka dhaxeeya  qoyska waa in uu ka taxadiraa uuna isku dayaa in uu ogaado waxa sababay isaga oo raadinaya waxa xal u noqon kara sida ugu dhaqsa ha badan si uu halkaas ugu imanin waxa keena furiin.




 




5-Arimo dhaqaale:




 




Sidoo kale waxay ka mid tahay waxyaabaha fashaliya guurka




 




 




Diyaariye:-C/qaadir Ismaciil Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com