Pages

Sunday, April 6, 2014

Taariikhdii Ururkii SNM 06.04.1981


download




 




Taariikhdu waa inoo musbaax; maanka caawima’e




Adoo male gudaayaad yaqiin; marar ku gaadhaaye




Makaankaaga waa inaad taqaan; meelba waxa yaal”! Afqallooc.




33 sannadood ayaa hadda (April 2014) laga joogaa markii lagu dhawaaqay Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM), 6dii April 1981, magaalada London. Waxa uu ahaa ururkii labaad ee mucaarid hubaysan ah ee saaxadda ku soo biira. Jabhaddii Dimoqraadiga Badbaadinta Soomaaliyeed (SSDF) oo fadhigeedu ahaa Addis-ababa ayaa ka horraysey.




download




 




Bilowgii Aasaaska iyo Dareennadii Ka Dhashay:




SNM aasaaskeedu waxa uu ka soo unkamay dibedda, siiba waddamada Khaliijka Carbeed, gaar ahaan waddanka Boqortooyada Sacuudi Areebiya iyo waddanka Ingriiska. Koox ka mid ahayd dad hore waddanka uga haajirey, una cuntami waydey siyaasaddii Kacaanka iyo qaarkood tii dawladihii rayadka ahaa ee ka horreeyeyba, ayaa ahayd ibo-furkii muuqdey ee aasaaska SNM. Gudaha laftiisa dareenkaas dad la wadaagaa iyana si qarsoodi ah ayay uga jireen.




 Inta badan dadkii ku noolaa gobolladii waqooyi, gaar ahaan Waqooyi Galbeed, Togdheer iyo Sanaag intiisa badan ayaa ku diirsaday oo soo dhoweeyey aasaaska SNM. Taliskii Maxamed Siyaad Barrena waxa ay taasi ku ahayd fallaadh labaad oo garka wadnaha kaga turqan!




Aasaasayaashii SNM waxa ay bilowgii horeba isku dayeen in helaan oo la dareen wadaagaan reer waqooyigii gobolku ka dhexeeyey ee bariga iyo galbeedka kaga teedsanaa beelihii dhexda ee gundhigga SNM horseedka ka ahaa. Taasi ma noqon arrin kollaba u sahlanaata, waxana mar kasta hadhaynaysey siyaasaddii taliskii Soomaaliya oo “qaybi oo xukun” ku salaysnayd iyo tabihii SNM cuskanaysey oo siyaasaddaas ay ka horjeeddey waxba aan ka casriyaysnayn, iyada oo isla dhalashadii SNM lagu lammaanshey dacaayad dadka kale lagaga faquuqayey oo ahayd “in SNM ay doonayso in ay goosato Gobollada Waqooyiga”, taas oo ilaa heer shaqaysay, markii dambena isa soo daruurisay oo ka fursanwaa’ noqotay!




 




Hormoodkii SNM dhidbay:




Sheekh Yuusuf Sheekh Cali Sh Madar (AHUN), Maxamed Xaashi Cilmi, Xasan Aadan Wadaad-diid (AHUN), Axmed Ismaaciil Cabdi (Duqsi, AHUN), Prof Cabdisalaam Yaasiin Maxamed, Axmed Maxamed Jaamac (Dable),  iyo Axmed Maxamed (Seyidi), ayaa ka mid ahaa hormuudkii Khaliijka ka hinqaday ee hillaabta ka qaaday dareenkoodii geesinnimo ee mucaaridnimada hubaysan ahaa. Suurta gal ma ahayn in Sacuudiga urur dabeecaddaas leh laga dhisaa ama lagaga dhawaaqaa. Sidaas darteed ayay kooxdaasi inta ay dhigeen wixii ay gacanta ku hayeen ugu hulleeleen waddanka Boqortooyada Ingriiska, iyaga iyo koox kale oo halkaas sii joogteyna sannadkaas SNM ugaga dhawaaqeen.




Xilligii Wadaaddada (April 1981 – March 1983):




Xasan Ciise Jaamac iyo Axmed Jimcaale (AHUN), Siciid Cabdillaahi Cigaal, Ahmed Zeilici ayaa ka mid ahaa ragga kale ee kooxdaas London kaga biiray. Guddoomiyihii koowaad ee SNM waxa loo doortay Axmed Jimcaale oo xilka muddo gaaban hayey. Ku dhawaaqaas SNM wax weyn ayuu ka beddelay siyaasaddii dalka, waxaana abuurmay xiisad iyo jawi tuhunno siyaasadeed iyo qaar qabali ah huwanaa oo kala gurasho iyo xeelado dahsoonba lahaa.




Dabayaaqadii sannadkaas 1981 waxa xabsiyada loo taxaabay dhallinyadii UFFO magaalada Hargeysa, waxaana taas raacay gadoodkii caanka ahaa ee ardayeed ee magaalada Hargeysa ee maalintii 20-ka Feberwari iyo dhawrkii cisho ee ku lammaanaa ee sannadkii 1982. Waxa kordhay oo baallaha fidsaday cadaadiskii maamulayaasha talisku dadka ku hayeen. 1-dii May 1982 waxa magaalada Burco ka dhacay muddaharaadyo ka dabqaadanayey kuwaas Hargeysa ka qarxaday. Muddo ka dibna waxa la xidhxidhay xubno ka mid ah dawladdii MS Barre, ayna ka mid ahaayeen Ismaciil Cali Abokor, Cumar Carte Qaalib, Maxamed Sh. Aadan iyo dad kale oo badan oo isugu jira saraakiil ciidammo iyo sibilba leh, iyo waxgarad kala duwan oo ka soo jeeda gobolladii Waqooyi.




Tuulada Dharkayn-geeye ee Degmada Buuhoodle waxa maxkamad milateri badhka taagtay oo si foolxun loogu toogtay Col. Cabdillaahi X. Siciid Cabdi (AHUN) oo ka mid ahaa saraakiishii ugu qiimaha badnayd XDS, taas oo dareen weyn ku dhalisay oo dhiillo gelisey saraakiil badan oo ka soo jeeddey gobolladii waqooyi.




 




GobonimoNews




Yacquub Shirbaaye




Source Weedhsan.com