Sunday, April 6, 2014

Siyaasi Ka Tirsan Chatam-house-Ka Ingiriiska Oo Dawladdaha Afrika Ku Eedeeyey Inay Ka War Wareegayaan Aqoonsiga Somaliland


Alex_Vines




“Waa Inay Afrika Hogaamiso Ictiraafka Somaliland Mana Ahaa In….Ehtopia-Na waa inay Hurmuud Ka Noqotaa..”Dublamaasi Mr Alex Vines




Hargeysa(GNA)-Dublamaasi weyn oo ka tirsan Xarunta Falayn qaynta iyo Daraasadaha  Chatam-house ee Carriga Ingiriiska oo lagu magacaabo Mr Alex Vines, ayaa si soo bandhigay, fartana ku fuuqay cad u ay tahay inay aqoonsiga Somaliland hormuud ka noqdaan oo ay ku dhawaaqaan, isaga oo sigaar ah u tilmaamay dalal ay ka mid tahay Itoobiya oo uu sheegay in ay  aanay ka maarbi Karin ka faa’iidaysiga dekedaha Somaliland, maadaama oo ay Itoobiya tahay dal ka xidhxidhan dhinaca badaha.




Mr Alex Vines oo ay Idaacadda VOA-da qaybteeda Afka Ingiriisigu wax ka waydiisay Aqoonsigii Golaha deegaanka Sheffeild u fidiyeen Somaliland, ayaa waxa uu sheegay in hogaamiyayaasha Afrika ee ay ugu horrayso Dawladda Itoobiya ay tahay kuwa arintani looga baahan yahay inay ku dhiiradaan oo Somaliland Aqoonsadaan, balse Masuuliyiinta afrika ay arintaasi ka war wareegaan waxana uu sido kale xusay in Dawladda Itoobiya ay  tahay ta faa’iidada ugu weyni ugu jirto hadii ay Somaliland aqoonsato maadama oo aanay wax deked ah lahayn.




Dublamaasigan oo arimahaasi ka hadlaayey waxa uu yidhi  “Caalami ahaan  qof kasta  waxa uu ku odhanayaa waa inay Afrika hogaamisaa arinta Ictiraafka  Somaliland, laakiin marka aad arinta hor dhigto Madaxda Afrika,  waxa ay ku odhanayaan waa run oo waanu tix gelineynaa arintaasi (In Somaliland Midawga afrika Aqoonsado), balse ma noqondoono kuwa ugu horeeeya inay Somaliland aqoonsadaan” 




Mr Alex Vines waxa kale oo uu intaasi raaciyey  “Waddan kani (Somaliland) waxa uu sidoo kale ku soo kordhin karaa iskaashi dhinaca wax soo dejinta ah oo Waddanka bilaadekedda ah ee ay  jaarka yihiin ee Ethopia uu ka helidoono, mana noqon doono mid carqalad ku noqda danaha dalka Jaarka la ah ee Ethopia, laakiin dawladda Itoobiya waxa ay noqon kartaa Tusaale hurmuud u noqda  aqoonsiga  Somaliland, balse tan lafteeda ayaaba ku adag Itoobiya”




Gobanimonews




Hargeysa Somaliland