Sunday, April 6, 2014

Salebaan-gaal: libinta Aqoonsiga Somaliland waxa iska leh Jaaliyadda Sheffeild”.


smHargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleban Maxamuud Aadan ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diray Jaaliyadda Somaliland ee Magaalada Sheffeild iyo dalweynaha Uk.




Saleeban Maxamuud Aadan waa Masuulka labaad ee ugu sareeyaha saddexda Golle Qaran ee Dastuuriga ah Somaliland.




Isagoo warbaahinta kula hadlayay Magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in dhawaaqa Sheffeild ka soo yeedhay caalamka gaadhi doono, isagoo ammaan balaadhan u gaar yeelay Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Magaalada laga aqoonsaday gooni-isutaaha Somaliland.




“Jaaliyadda Somaliland ee reer Sheffield waxay qabteen waxaynu inagu qaban kari waynay oo guul dalka u ah, warkuna waxaan filayaa inuu adduun weynaha gaadhi doono”ayuu yidhi.




Saleban Maxamuud Aadan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “dee Golaha Deegaanka ee Sheffield way mahadsanyihiin amaan ayay inaga mudanyihiin”ayuu hadalkiisa raaciyay Odayga Aqalka sare ee Somaliland.




Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo xubno ka mida Gollaha Wasiirrada ayaa hore uga hadlay arrinta aqoonsiga Somaliland ee Golaha Deegaanka Sheffield ku dhiiradeen.salebangaal




Dadka reer Somaliland ayaa wali sugaya farriimo kale oo Caalami ah iyo kuwo Maxali ah oo arrintan lagu sii dhiiri gelinayo.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com