Pages

Sunday, April 6, 2014

Muranka Mashruuca Shidaal iyo Macdan baadhista Somaliland


“Dadka Cambaaraynaya Hawlaha Sahaminta Shiidaalka Waa Kuwo Ka Dhex arki Waayey Danahooda Shaqsiga ah”Mustafe Saalax




Somaliland ayaa la aaminsanyahay inay ka mid tahay wadamada dhulkooda Eebe ku galaday noocyada kala duwan ee khayraadka ee laga heli karo bad iyo bariba,haddii ay tahay Xawayaanka kala duwan ee dhulka guud kiisa ku nool sida Xoolaa,Ugaadha iyo waxyaabaha kale ee dhulka laga beerto iyo sidoo kale noolaha kale ee laga helo Badaha.




Ka sakow khayraadka noolaha ee laga helo Badaha iyo Bariga Somaliland waxa kale oo la rumaysanyaay in Somaliland ay ku jiraan noocyada kala duwan ee khayraadka laga helo dhulka hoostiisa iyo badaha guntooda hoose ,kuwaasi oo la rumaysanyahay in laga heli karo noocyo badan oo kharaad dihin ah.




 xukumadda Somaliland ee hada taladda dalka haysa ayaa  si aad ah uga hawl gashay sidii ay u soo saari lahayd kayraadka kala duwan ee ku duugan dhulka,sidii  ay dadkeeda ugaga faa’iidayn lahad noocyadda kala duwan ee khayraadkaasi  ku jira dhulka hoostiisa sida qaybaha kala duwan ee Macadanaha,Gaasta,Shiidaalka Dhuxul-dhagaxda iyo wixii la mid ah




Wasiiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Md.Xuseen Cabdi Du’caale, ayaa  isaga oo ka duulaya qorshe siyaasadeedka xukumadda ee ah sidii ay shacabkeeda  ugu soo saari lahayd khayraadka kala duwan ee ku jira dalkeena,  ayaa waxa uu xooga saaray sidii uu uga midho dhalin lahaa himilada ah in dadka reer somaliland ay helaan barnaamij ay kula soo baxaan Nimcooyinka dhulkooda ku duugan.




Wasiir Du’caale oo ah aqoonyahay khibrad dheer u leh arrimaha Sahaminta iyo soo saarista Macdanaha iyo Shiidaalka ayaa waxa uu dedaal dheer u galay sidii uu shirkadaha waaweyn ee aduunka iyo wadamadda beesha caalamka ugu bandhigi lahaa inay ogaadan in Somaliland uu dhulkeedu dihinyahay isla markaana uu ka buuxo noocyo kala duwan oo Macdano iyo Shiidaal ah oo aan weli daboolka laga qaadin ay jiraan, kuwaasi oo u baahan in la helo cidii aqoonta u lahayd ee soo saari lahayd.




Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ayaa waxa uu sameeyey socdaalo uu ku kala bixiyey wadamo badan oo ku kala yaala qaaradaha aduunka,isagoo ka qayb galay shirar badan oo caalami ah oo lagaga hadlayey arrimaha Shiidaalka iyo Macdanaha waxaana sidoo kale wadamadaasi uu tegay iyo shirarkaasi uu ka qayb galayba uu kulamo kula yeeshay qaar ka mid ah shirkadaha waaweyn ee ugu caansan dunida ee ka shaqeeya hawlaha Sahaminta iyo soo saarista shiidaalka, waxaana u suurto galay wasiir Ducaale inuu heshiisyo hor dhac ah iyo kuwo dhammays tiranba la galo qaar ka mid ah shirkadaha Aduunka ugu waaweyn uguna caansan dhinaca  hawlaha Shiidaaladda.




 “Markaynu si guud uga hadalno dalka Somaliland waxa uu ka mid yahay meelaha baatroolka laga helo, saliidda dalkeenna ku jirtaana waa nooc fiican oo ah nooca khafiifka ee qaaliga ah, dalkeenuna rajo badan buu leeyahay oo laba sanno ama laba sannado iyo badh gudahood waxaad ka arki doontaan riiggii shidaalka oo meel Somaliland ka mid ah laga qotomiyey, wixii dakhli ah ee ka soo xeroodana dalkeennu qayb fiican buu ka qaadanayaa” sidaasi waxa yidhi wasiirka Macdanta iyo Tamarta oo ka hadlayay  rejadda laga qabo in mustaqbalka dhaw Somaliland shiidaal laga helo.




Dhinaca kale, Wasiirka Macdanta iyo Tamartu  waxa uu sheegay in shirkadaha shidaalka ee heshiisyada la galay dawladdii Siyaad Barre ay Somaliland hadda ka maarmayso oo heshiisyo la geli doonto shirkad kasta oo tayadeeda la hubiyo oo dalka wax ka soo saari karta, isagoo xusay inay Somaliland shirkadaha heshiisyada hore ku jiray marar badan la samaysay xidhiidho lagaga dalbay inay dalka ku soo laabtaan, balse aanay wax jawaab ah ka helin. Sidoo kalena wax ka bedel lagu samaynayo heshiisyaddii ay shirkadaha la gashay xukuumadii hore ee Daahir Rayaale Kaahin, isaga oo tilmaamay in wax ka bedel  ay ku sameeyeen qaar ka mid ah hshiisyadii ay shirkadaha la gashay.




Sidoo kale waxa uu ku guulaystay wasiir Ducaale inuu dalka keeno shirkaddo badan,kuwaasi oo hawlo sahaim iyo baadhitaan ah ka wada Deegaamo ka tirsan Gobolada dalka,kuwaasi oo ay ka mid yihiin Genel Energy oo ah shirkad laga leeyahay dalka UK,iyo shirkadda la yidhaahdo Ansan Wikfs oo laga leeyahay wadanka Yemen taasi oo howlo baadhitaan shiidaal iyo Macdan iskugu jira ka wada Dalka,sidoo kale wax aka mida shirkadda la yidhaahdo East Afircan Resources Group (EARG)taasi oo iyana laga leeyahay dalka Norway islamarkaan howlo dhinaca sahaminta iyo Shiidaalka ka wadda qaar ka mid ah gobolada dalkan Somaliland.




Hawlaha sahaminta iyo baadhitaanka ah ee ka socda dalka  ayaa iyagu noqday kuwo dalka soo geliyay faa’iidooyin badan, waxaana shaqooyin ka helay boqolaal ka mid ah dadka reer Somaliland, sidoo kale waxaa ay dalka soo geliyeen shirkadahan hawlaha saminta shiidaalka dalka ka wadaa dhaqaale badan ayaa dawladda ka soo galay. Isla markaana dhammaanba heshiisyada uu wasiirka macdantu la galay shirkadahan ayaa ah kuwo si cad u qayaxan oo qaar koodna ay golaha wasiiraddu ansixiyeen,halka dhammaanba wixii Lacag ah ee wasiirku uu ka qaaday shirkadahaasi lagu shubay Khasnadda Dawladda




Shirkadahan kala duwan ee imika hawlaha sahaminta ah ka wada goboladda dalka ayaa la filayaa in ay dhawaan soo gebagabeeyaan  hawlahaasi, iyada oo si aad ah loogu rejo wayn yahay in ay ka soo baxdo natiijo ay ku wada farxaan dhamaanba bulshadda reer Somaliland, taasi oo macnaheedu yahay in 100% lagu kalsoon yahay in goobaha kala duwan ee sahaminta laga sameeyay in laga helo shiidaal ama macdanaha kale ee laga baadhayo.




Haddaba waxaa jirta in muddooyinkan danbe ay jiraan dad iyaga laga indho tiray hawlaha aadka u fiican ee dalka laga wado ee dhinacyada sahaminta iyo baadhista ah, kuwaasi oo iyagu aflagaadooyin iyo cay badheedh ah oo aan sal iyo raad toona lahayn kula duldhacay wasiirka macdanta iyo tamarta, oo isagu ah shaqsi ay ka go’an tahay sidii uu bulshadiisa macaluusha iyo faqrigu hadheeyay ka saaro, isla markaana uu khayraadka dihin ee dhulkooda ku jira u soo saaro.




Shaqsiyaadkan iyagu canbaaraynaya hawlahan sahaminta shiidaalka ayaa ah kuwo ka xun horumarka iyo dadku ay helaan waxyaabo dhaqaale loogu abuurayo ama loogaga faa’iidaynayo khayraadka dihin ee dhulkooda ku jira ee wakhtiga dheer ka dhul sugayeen in ay mar uun helaan xukuumad daacad ugu adeegaysa oo u soo saarta.




Waxaana muuqata in xubnahani ay yihiin kuwo dano gaara leh isla markaana mashaarciida shiidaal baadhista markii ay ka dhex arki waayeen wax dano gaar ahaaned ah ay bilaabeen in ay dhaleeceeyaan hawlahaasi iyo cidda masuulka uga ah qaranka kaasi oo ah wasiirka Macdanta iyo tamarta,iyada oo arrintaasi cadayneysa in shaqsiyaadkaasi ay ku hawlanyihiin burburnta barnaamijyadan waxqabadka ah




Dadkaasi cadowga ku ah dadkiisa iyo dalkiisa ayaa ah kuwo u adeega dawladdo neceb oo ka soo horjeeda horumarka iyo nabadda ka islaaxday Jamhuuridda Somalialnd,sidoo kale waxa ay u shaqeeyaan Hay’addo shesheeye kuwaas oo ay ka iibiyaan siraha iyo macluumaadka dawladda.Markaa Waxa inagu waajib ah inaynu iska ilaalino qof oo dalkiisa wax u dhimaya




Mustafe Saalax




Hargeysa Somaliland




M.saalax44@gmail.com