Saturday, April 5, 2014

Maayirka Hargeysa oo Wakiillada ka dalbday in dhakhso loo Ansixiyo Xeerka Caasimada


Guddida joogtadda ah ee Golaha wakiillada oo kulan albaabaddu u xidhanyihiin la yeeshay iyo faahfaahin labada dhinac bixiyeen




maayarka HargeysaHargeysa(GNA)-Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxamaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa sheegay inuu Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiillada kala hadlay sidii loo dedejin lahaa Xeerka Caasimadda Hargeysa iyo wada shaqayn ka fiican sidii hore.




Warbixin kooban oo uu warbaahinta ku siiyay Aqalka Baarlamanka Maanta oo Sabti, ka dib markii uu ka soo baxay kulan albaabadu u xidhnaayeen oo la yeeshay Guddida Joogta ah ee Golaha Wakiillada, waxa uu ku sheegay Maayir Soltelco, inuu Guddida kala hadlay qodobo ay ugu muhiimsanyihiin in xeerkii Caasimadda dhakhso loo ansixiyo si loogaga shaqeeyo horumarinta Caasimadda.




Xeerka Caasimadda ayaa muddo dheer horyaalay Golaha Wakiillada oo aan wali la ansixin, sababo la xidhiidha habka loo diyaariyay iyo xaasaasiyad ka dhalan karta qodobo ku jira  oo dhinaca Degmooyinka  Magaaladda ah.




“Maanta waxa noo yeedhay Guddida joogtada ah ee Golaha wakiillada, waxaanan ka wada hadlaynay uun sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta noo dhaxaysa iyo sidii xeerka caasimadda loo ansixin lahaa, waayo xeerkaasi muhiimad weynbuu u leeyahay horumarinta Magaalada, waanan isla qaadanay runtii, iyaguna waxa na waydiiyeen su’aalo ku saabsan caqabadaha na horyaala iyo wixii noo qabsoomay”ayuu yidhi Soltelco.




Dhinaca kale, Maayirku waxa uu ka hadlay qorshaha dawladda hoose ee ku aadan arrimaha fayo dhawrka iyo nadaafadda Magaaladda, maadaama la galay xiligii wakhti roobaadka, waxaanu yidhi “qashinka Maalmahanba waxaanu wadnay olole lagu nadiifinayo Meelaha biyo mareenadda ah,culayskuna wuxuu ka yimi Shirkaddihii Qashinka guri jiray oo aan shaqaynayn, waayo waanigii kuwii hore shaqada ka joojinay,kuwii cusbaa ee lagu bedelayna wali hawshii may bilaabin oo maanta ayaanu shirkadii labaad la kulmaynaa, markaa hawsha dawladda hoose oo qudha ayaa wadda.




sidaa darteed dadweynaha waxaan u soo jeedin lahaa inay fayo-dhawrka ka qayb qaataan oo aanay qashinka biyaha soo raacin”ayuu hadalkiisa raaciyay Maayirka Hargeysa.




Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Mahdi Ibraahim Buubaa, ayaa isaguna warbaahinta uga waramay waxayabaha ay Maayirka ka waraysteen, waxaanu sheegay inay wax ka waydiiyeen waxyaabihii dawladda hoose u qabsoomay iyo caqabadaha hortaagan ee u baahan in  wax lagala qabto.




“Maanta waxaanu u yeedhnay Maayirkii Caasimada . waxaanu wax ka waydiinay waxyaabaha u qabsoomay iyo caqabadaha ka hor yimi ee ay u baahanyihiin lagala shaqeeyo, warbixin fiicana wuu na siiyay, waxaanan isku afgaranay inaanu wada shaqayn fiican la yeelano dawladda hoose oo sidii hore ka wanaagsan “ayuu yidhi Xildhibaan Buubaa.




Kulanka labada dhinac ayaa ku soo beegmaya xili roobabka Gugu ka curteen deegaamo badan oo Magaaladda Hargeysa ka mid tahay, taasoo dawladda hoosena todobaadyadii ugu dambeeyay ku mashquulsanayd sidii loo nadiifin lahaa meelaha biyo mareenadda ah ee Magaaladda dhexdeeda.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com