Sunday, April 6, 2014

Hargeysa: Salaadiin Iyo Cuqaal cabasho ka muujiyey Qoys Dhul lagu qabsaday oo la xidh-xidhay


Reer Dhulkoodii lagu qabsadayHargeysa(GNA)-Salaadiinta iyo Cuqaasha reer Hargeysa ah ayaa Cabasho balaadhan ka muujiyey Qays degan Agagaarka Buurta Xeraddii hore ee Ayaxa ee ku taalay Koonfurta Galeeb ee Magaaladda Hargeysa,halkaasi oo ay sida ay Salaadiintaasi iyaga oo ku sugan ay Marwo Adna Aadan Ismaaciil ku eedeeyeen inay baro kac iyo Xadhig kula kacday Qoys dan yar ah oo mudo dheer Buurtaasi deganaa ka dib markii sida ay ku doodeen qoskan iyo Salaadiintaasi Askar lagu dalbaday ay xidh xidheen qoyskaasi.




Cabashada Qayskan iyo Salaadiintaasi  Cabanaayey  ayaa sidani u sheegay mar ay Qaarka mid ah warbaahinta madaxa banaani shalay ku booqdeen guriga reer kaasi oo ku yaala Bariga Xaafadda Sheekh Nuur ee Koonfurta Hargeysa oo ah Buurta ku dul taala Xerada Ayaxa,halkaasi oo ay Warbaahinta  uga warameen dhibaataddan   Qoska ahaan ay ka cabanayaan iyaga oo Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed (Siillaanyo) ugu baaqay inay waxka qabato arintaasi kuna  dooday iyagu dhulkaasi mudo dheer lahaayeen oo deganaayeen sidaasi darteed  hada Marwo Edni dooneyso inay iyadu dhulkasi  kala wareegto Ciidana ku dalbtay reerkaasi Xidh xidha waxanay sido kale  baaq u direen Wasiirka arimaha Guddaha iyo Taliyaha Ciidanka Bileyska iyo Cid kasta oo arintani quseyso inay si deg deg ah wax uga qabtaan arintaasi dhibaatada ku ah qoyskaasi ee ay sheegeen in dhulkoodii ay mudada aaadka u dher kagaga cabanayaan.




Waxa kale oo ay Taliyaha Booliska Somaliland ku eedeyn in uu dhibaatada meesha taalla uu si hurinaayo dhincana uu la saftay  madama oo ay sheegen in uu illaa hatan u xidhan yahay nin muwaadin ah oo la yidhado Buraale Aw Aadan, waxayna ugu baqeen in muwaadinkaasi xoriyadiisa usoo celiyaan.




Hooyo dhul laga qaaday ka cabaneysa




Suldaan Ismaaciil Cabdi Muxumed oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi. “Aniga oo ah Suldaanka Ayuub waxan halkan ka cadeynayaa in Marwo Adna  Aadan halkan reerku degen yahay in aanay Shaqo ku lahayn, Wakhtigii ay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland ay ahayd uunbay sheegtay, laakiin dhulkii Adna  iyo raggii kale isku haysteen  uxu ahaa  Dhulkaasi taaga ee Shishe, labbadan meeloodna  wax u dhexeye Dhul badan, waxase nasiib darro ah in ay Adna ay  sheegto dhul aanay lahayn oo ay leeyihiin dad masaakiin h, wax taasi ka siidaran in ay haaddan u awood sheegto  oo ay dulmi kula dhaqaaqdo iyada oo adeegsanaysa lacag, kadibana Booliskii wadanka dadkii ku soo dirtay oo y xidhan yihiin qaar ka mid ah reerkii halka laga soo dayey islaan iyo odey gaboobay oo ay xidhatay, Taliyaha Booliska waxan leeyahay taliye waxaad haysaa  Xil qaran  laakiin marka aanu aragnay Niman Kabtano ah oo sandaqadahaygii nagu hasta oo aad adigu soo dirtay, waxaanu u qaadanaynaa si kale ee taliye wax ka qabo arrintaasi, waxa nasiib darro ah in aanay Edna Aadan aanay Sharci wax ku dooneyn ee ay Xoog waxa ku doonayso, hadaba waxaan Baaq u dirayaa Xukumada Somaliland iyo cid kasta oo nabad jecel in ay arrintaasi soo faro galiso.”Ayuu yidhi.




Caaqil Cabdilaahi Raabi Cadami oo isaguna  shirkaasi jaraa’id ka hadlay  waxa uu yidhi “Iin Adna Aadan ay Qoyska halkan degen ay u awood sheegtay  reerkii dhulka lahaa ay ka dhigto qaar ay xidho iyo qaar ay barokiciso taasina ma ah mid loo dulqaadan karo,  waxaa  taasi ka sii daran  daran in ay Adeegsanayso Booliskii Somaliland, waxaanu baaq u diraynaa  Madaxweynaha, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Dawlada hoose in ay Arrintaasi u eegaan oo soo dhex galaan si aanay dhibaato weyni uga dhicin, wax kale oo aanu idhiin uu sheegaynaa  in dhulkan ay waligoodba ay qoyskani lahayeen cidina aanay wali ku qabsan, basle nasiib daro ay tahay in maanta Edna ay ku qabsato reerkan Dan yarta ah dhulkoodiii oo waliba ay u awood sheegto.”Ayuu yidhi.




Caaqil Aw Khadar Xassan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhulkan lahaanshiisi uu ogaa oo ay lahaayeen Qoyskaasi degen, waxaanu sheegay in Dulmi laga galayo reerkan waxaanu Edna aadan ugu baaqay in ay dhulkaasi faraha kala baxdo oo cidi leh u dayso iyadun soonaha hore dadka isku haysan jireen ku ekaato.




Xaliimo Gaboobe  Nuur    oo ah Hooyadda Qoyskan ka cabanaayey Xadhiga lagula kacay iyo in dhulkoodii ay mudada qarniga ku dhaw degenaayeen  sida ay sheegeen oo iyana halkaasi ka hadashay  ayaa sheegtay waxa hadaladeedii ka mid ahaa  “Aniga way I xidheen waxayna igu yidhahdeen maadiga leh Guryahan Jiingadaha ee ka dhisan meesha, waxaanu ku  idhi aniga leh, markii ay isoodaayeen waxan  ku idhi Wiilkaygiina ii soo dayaa Miyibu ka yimid oo meeshanba kala garan mayee wali inankaygii uu u xidhan yahay, taasi waa Dulmi ay nagu hayaan Booliska iyo Gabadh Edna la yidhado.”




Waris Cumar Axmed oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in dhulkan lagu hasto uu yahay mid iyagu ay leeyihiin, waxayna Xukumada ugu baaqday in ay cadaalada ilaaliso oo dadka dulmiga wada dadka ka qabto.




Wariye Hudle




Gobanimonews




Hargeysa Office