Maydka Marxuumadda oo Cisbitaalka Guud la keenay gelinkii dambe ee Maanta iyo Bilayska oo dalbaday inay dhakhaatiirtu baadho sababta dhimashada keentay
Hargeysa(GNA)-Ciidanka Bilayska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay Nin ka mida dadka Cilaajyada Jinka lagu daaweeyo ku haystay Xaafadda Jig-jiga yar-yar ee Magaalada Hargeysa oo ay gacantiisa ku baxday Gabadh 17 jir ah oo daaweyn caafimaad loogu geeyay Maantu.
Maydka Gabadha dhimatay ayaa la keenay Cisbitaalka Guud ee Magaaladda Hargeysa gelinkii dambe ee Maanta, iyadoo Ninka dhakhtarka ahna lagu xidhay xarunta C.I.D-da, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amaanku
Ugbaad Axmed ismaaciil oo ahayd Gabadh todoba iyo toban jir ah (17 sano jir), ayaa Maanta la geeyay Cilaajka la sheegay inay ku dhimatay, halkaasoo waalidkeedu ugu geeyeen Nin la sheegay inuu hore u dilay Xaas uu qabay, kaasoo walxo danabaysan ama Koranto ku qabtay qaybo ka mida Oggada sare ee Jidhkeedda.
“Gabadha hooyaddeed ayaa sheegtay in Ninku Koranto ku qabtay, oo uu ku yidhi laydhka ayaa lagu saaraa jinka, dabaddeed markii uu Waayirrada ku qabtay, intay qaylisay naftu ka baxday”sidaasi waxa Gobanimo u sheegay mid ka mid ah dadkii la kulmay eheladda Marxuumadda.
Sidoo kale sarkaal ka tirsan Hay’ada ammaanka ayaa sheegay in Xarunta C.I.D-da lagu hayo ninkii Gabadha jinka ka saarayay “Kiiskaa baadhisbaa lagu hayaa, maydkiina wuxuu yaalaa dhakhtarka, ninkii waddaadka ahaana wuxuu ku xidhanyahay dambi baadhista, birito ayaana baadhistiisa la bilaabayaa”.
Warka ayaa intaasi ku daraya in baadhis lagu sameynayo Maydka, si loo xaqiijiyo sababta dhimashada keentay ka sekow ammarka alle.
Waxyeellada Caafimaad ee Cilaajyada
Waxyeeladda bulshadu kala kulanto goobaha Caafimaadka, khaasatan cilaajyada daawo dhaqameedka iyo waxyaabaha kale ee aan la xaqiijin saxnimaddooda, ayaa soo kordhayay sanadihii ugu dambeeyay.
Goobaha noocan ah ee ay halista kala kala kulanto bulshadu ayaanay wali dawladdu wax qorshe ah oo cad ka yeelan, inkasta oo ay dhawaan Warbaahinta u sheegeen Komishanka Mihnadleyaasha Caafimaadka ee heer qaran oo shaaciyay dib u eegis iyo diwaan-gelin wada socda oo lagu sameynaya dhamaan xarumaha caafimaadka ka shaqeeya ee dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com