Monday, April 7, 2014

Beesha Bariga Burco Oo Maamuus Ka Xayuubin Ku Samaysay Guddoomiye Ku Xigeenkii Beeshaasi


Burco (GNA) - Guddida Beesha Bariga Burco ayaa shaacisay in ay xilkii ka qaadeen Guddoomiye Ku Xigeenkii beeshaasi Md. Diiriiye Jaamac Cabdi ahna ku simaha gudoomiyaha ka dib markii uu geeryooday gudoomiyihii gudidaasi Marxuum Maxamuud Maxamed Jaamac (Gaadhijiidh) oo dhawaan ku geeryooday magaalada burco.




 




 




Shirkan jaraa,id oo uu saxaafadda u akhriyey Ku simaha xoghayaha guud ee Gudida Beesha Bariga Burco  Jaamac Maxamed Ducaale Foos Waxaana uu U Idhi  Sidan “halka kan maanta waxaanu saxaafada ugu yeedhnay gurigii gudida guud ee Beesha Bariga Burco ee Gar Adag Anigoo Ku Hadlaaya afkii Gudidaas maanta fadhiisatay mawduuca ay maanta u fadhiisatay waxa ay ahayd inay xilka ka qaado gudoomiye ku xigeenkii  gudida




 




 




 




 




guud ee Beesha Bariga Burco ka dib markii uu gudan waayey  xilkii loo igmaday sidii ay ahayd  uu u gudan waayey ayaa ay gudidu go,aan ku gaadhay inay xilka ka qaado  gudidu ayadoo ka koo ban 17(Todobo Iyo Toban xubnood) oo uu ku jiro marxuumkii gudoomiyaha ka ahaa gudidaasi ayaa 15(Shan Iyo Toban ka mid) ah ay u fadhiisteen kal fadhigaasi ayadoona ay sagaal ka mid ah ay aqbaleen in xilka saa lagaga xayuubiyo aydoona saa xilkaasi lagaga qaaday.




 




Waxaana aanu u sheegayna maamulka gobolka iyo gudiyada gobolka Togdheer ka dhisanba ee beelaha kale iyo xukuumada somalilandba in maanta laga bilaabo wax xil ah oo gudoomiye ku xigeen nimo ah aanu u hayn gudida guud ee habarjeclo shaanbadda uu guriga ka qaatay ee uu sito  wixii Documents ee Kusoo baxa ee maanta ka danbeeya waxaa loo aqoonsan doonaa oo anu leenahay ha loo aqoonsado  Vouchers”




 




Waxaa Kale oo uu Baaq u soo jeediyey cuqaasha waxgaradka iyo suldaanka guud ee Beelaha Bariga Burco(Beesha Beesha Bariga Burco) inay si dhakhso ah isugu yimadaan magaalada burco si ay uga tashadaan ayaaha beesha iyo waliba ta gudidani waxaana isagoo Jaamac Maxamed Ducaale Foos Hadalkiisa sii wata yidhi “waxaa kaloo aanu halkan u ga  baaqaynaa wax garadka iyo salaadiinta beesha iyo suladaanka guud ee Beesha Bariga Burco inay si dhakhso ah isugu yimadaan Gobolka Togdheer  si ay uga taliyaan aayahaa reerka iyo dhismaha gudida Beesha Bariga Burco Ayaan usoo jeedinaynaa”




 




Gabagabadiina waxa ay gudoomiye ku meel gaadh ah ay u doorteen Abokor Cumar Aadan Dibi Aydoona aan la ogayn gudoomiye ku xigeenka haatan xilka laga caydhiyey sababta ugu wayn ee xilkaasi looga xayuubiyey in kastoo ay gudidu sheegtay in uu gudan waayey waajibkii loo igmaday.Ayadoo uu dhawaan geeryooaday gudoomiyhii gudidaasi marxuum Maxamuud Maxamed Jaamac (Gaadhijiidh)