Sunday, April 6, 2014

Beesha Ayuub oo Qaadacday Ergooyinkii Shirwaynaha Kulmiye


Hargeisa ( GobonimoNews) Beesha Ayuub ayaa ka Biyo Diiday saami qaybsiga ergooyinka ka qayb galaya shirwaynaha xisbiga tallada haya ee Kulmiye . iyadoo beesha saami ahaan loogu talo galay 22 ergo waxaanay sheegeen in aan la siin saamigii ay mudanaayeen in la siiyo .




sidaasi darteed ay ganafka ku dhufteen saami inaanay qaadanaynin kana qayb gali dooni shirwaynaha xisbiga tallada haya ee kulmiye isla markaan ay beeshu isla af garatay in aanay ka qayb galin hadii aan waxa laga bedelin ergada loo qoondeeyey .




sidaasi waxa ay ku sheegeen warsaxaadeed ay ka soo saareen maaagalada hargeysa oo ay shir ku yeesheen , waxaanu u dhignaa sidan hoos ku qoran 




"Ka dib markii beesha ayuub ay shir ku yeelatay magaalada hargeisa oo ay kaga arrinsanayaaan  22 ergo ee beeshooda la siiyey waxay beeshu isla af garatay in aanay beesha Ayuub Qaadan Tiradaasi 22 ergo ah oo aanu u aragno Cad Quudheed oo aan u Qalmin beesha .




hoos u dhacna ku keenayo  sharafta karmaada iyo milgaha aanu leenahay , waxa kale oo aanu canbaaraynaa masuuliyiinta kulmiye ee intay qaybiyeen Ergooyin ka badan 1000 ay beesha Ayuub u soo fiiqeen 22 kali ah , Taasina waxay tusaysaa milgaha uu u hayo Hogaanka Kulmiye Beesha Ayuub.




Hadaba hadii aanu milicsano sooyaalka taariikhdeed ee intii hanaanka xisbiyada badan Somaliland u guurtay , Hadii aanu jaleecno beesha Ayuub waxay ahayd beesha kaliya ee Boqolkiiba Boqol codkooda  siin jirtay Xisbiga Kulmiye Hadii ay noqoto Dorashooyinka Golayaaasha Deegaanka , Tii Madaxtooyada , iyo Tii Golaha Wakiilada Sidaasi darteed waxaanu ku leeyahaya Kulmiyow siday Beesha Ayuub Kuugu Listay Ugmada Hanbayn .




Beesha Ayuub Markii ay Arimahaasi oo dhan ay aragtay waxay go,aansatay in ay dib ugu celiso xisbiga kulmiye ergooyinkii uu u qoondeeyey waxaanu leenahay Beesha Ayuub uma Qalanto ee Kulmiyow Dib Iskugu Noqo .




 




Guntii iyo Gabogabadii Hadii uu Xisbiga Kulmiye Hoos u Eegi waayo Cabasada Beesha , waxay Beeshu Go,aansaday in Shirwaynaha Xisbiga Kulmiye Cid ku Abtrisada Beesha Ayuub ka Qayb Qaadan doonin  , Mustaqabalka Siyaasada beeshana si Guud ugu tashan doonto . Cida ay Tageeradadeeda U wareejin doonto Doorashooyinka Soo socda 




1.Cheif Caaqil Aw Khadar Aw Hassan Aw Ibraahim




2. Caaqil Wali Aw Ciise




3. Caaqil Ahmed Ali Aden




4.Caaqil ,Kamaal Sh.Mahamed Hamuud




5.Caaqil ,Husein Daahir




6. Caaqil ,A/laahi Raabi Cadaani




7. Caaqil , Dheeg Adan Ahmed




8.Caaqil , Abdi Farah




9. Caaqil. Mahamed Geele 




10. Caaqil , Abdilaahi Hassan




11. Caaqil , Buraale Mohamed Dheer




 




 




Alla Mahad Leh  




 




GobonimoNews




Hargeisa.Somaliland