Pages

Thursday, March 13, 2014

Xulka Spain Oo Weli Hogaanka U Heysa Qiimeynta Bilaha ah ee FIFA Oo Maanta La Soo Saaray.


Xulka Spain ayaa weli hogaanka u haya qiimeynta bilaha FIFA iyadoo aysan waxba iska bedelin bishii February shanta xul ee ugu sareysa.




 




Germany ayaa weli kaalinta labaad ku jira, Argentina 3aad, Portugal 4aad iyo Colombia oo shanaad ku jirta. Uruguay ayaa hal boos kor u soo kacday iyagoo soo galay kaalinta lixaad.




 




Switzerland ayaana u dhacday kaalinta 7aad halka Italy iyo Brazil ay ku kala jiraan kaalimaha 8aad iyo 9aad. Xulka Belgium ayaana dhameystiraya 10ka xul ee ugu sareysa iyagoo booskaas kala baxay Holland kuwaasoo u dhacay kaalinta 11aad.




 




England oo ciyaartii saaxiibtinimo ee dhawaan ka badisay Denmark ayaa seddex boos kor u soo kacday waxaana ay soo galeen kaalinta 12aad. France ayaa iyadana waxa ay ku jirtaa kaalinta 17aad.




 




Qaarada Afrika waxaa ugu sareysa Ivory Coast kuwaasoo qiimeynta adduunka hal boos hoos ugu soo dhacay waxaana ay ku jiraan kaalinta 24aad. Asia waxaa u sareysa Iiran oo ku jirta kaalinta 42aad.




 




Xulka dalka Soomaaliya ayaa ku jirta kaalinta 203aad halka xulka Jabuuti ay ku jirto kaalinta 204aad.