Pages

Thursday, March 13, 2014

Xukuumadda Siilaanyo oo ka aamustay Geerida M. Saleban iyo Mucaaridka oo Dhaliil uga faa’idatysay


Maxamed-Saleebaan-TubeecHargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hada shacbiga ka tacsiyadeyn Geerida ku timi ALLE HA U NAXARIISTEE Marxuum Maxamed Saleban Tubeec Fanaankii boqorka Codka Soomaaliyeed oo shalay ku geeriyooday Dalka jarmalka.




AHN ha u naxariistee Maxamed Saleban Tubeec ayaa ahaa Fanaan si weyn ugu suntan Suugaanta Somalida ee Gobolka oo dhan, waxaanu ka mid ahaa Fanaaniintii Gobollada Waqooyi ka soo jeeday ee hogaanka u hayay Heesaaga Soomaalida xiligii uu fanku dhisnaa.




Ma jirto ilaa hada wax tacsi ah oo Aqalka madaxtooyada Somaliland iyo Masuuliyiinta kale ee dawladdu ka soo saareen Geeridiisa oo ku soo beegantahay xili Madaxweyne Siilaanyo socdaal ku marayo Gobollada dalka.




Halka Dawladda federaalka Soomaaliya madaxda ugu saraysaa maalintii shalay markii geeridiisa la soo sheegay dhambaalo tacsi ah oo ay u dirayaan Bulshada Soomaaliyeed warbaahinta soo gaadhsiiyeen.




Inkasta oo aanay ahayn markii ugu horaysay ee Aqalka Madaxtooyada Somaliland ka aamuso Geeri noocan oo ay tiiraanyadeedu shacbiga taabatay, hadana tani waa mid ka sii fool xun oo aan laga filayn madaxweynaha dalka iyo Madaxda Wasaaradda Warfaafinta iyo Dhaqanka.




Waxaanay sababtay inay Asxaabta Mucaaridka ah qaarkood dhaliil siyaasaddeed uga faa’idaystaan.




xildhiban buubaaAfhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mahdi Ibraahim Buubaa, ayaa xukuumadda ku dhaleeceeyay sababta ay uga aamusantahay Geerida naxdinta leh ee Maxamed Saleban Tubeec oo uu ku tilmaamay hal door ka baxay umadda Soomaaliyeed, siiba shacbiga Somaliland oo uu deegaan ahaan ka soo jeeday.




Xildhibaan Buubaa ayaa sidoo kale dhaliishiisa raaciyay inay hore dawladdu uga gaabisay ka qayb qaadashada xaalada caafimaad ee uu u geeriyooday.




 “Aniga oo ah Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani, Magacayguna Yahay Ibraahim Mahdi Buubaa Waxa aan marka hore jecelahay aniga oo ku hadlaya afka xisbiga iyo ka taageerayaashaba  in aan tacsi uga gudbiyo guud ahaanba dadka afka soomaaliga ku hadla, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu lahaa Allah haw u naxariistee Maxamed Saleebaan Tubeec oo ku geeriyooday dalka Jarmalka.




Marxuumku waxa uu ahaa Nin caan ka noqday guud ahaanba dhulka ay soomaalidu degto, waxa uu ahaa nin qiime iyo karaamo ku dhex lahaa bulshada, geeridu waa wax waxa aanu leenahay ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo, isagana ilaahay Naxariistii Janno ha ka waraabiyo” ayuu yidhi Buubaa oo Hadhwanaag la hadlay.




 




Waxa uu intaasi u daray in alle ha u naxariistii Janno ha ka waraabiyee uu ahaa nin dhalasho ahaan ka soo jeeda dalkani Somaliland waxaanu yidhi “Allah Haw u naxariistee Marxuumku waxa uu ahaa nin u dhashay dalkan Somaliland, marka aynu soomaalinimada kale ka tagnona waxa uu ahaa nin Reer Berbera ah oo uu Aabihiina ku dhashay waliba, ehelkoodii iyo waliba dadkoodiina ay degan yihiin, kuwaadin reer Somaliland ah buu ahaa” ayuu yidhi.




Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa waxa uu xukuumadda ku dhaliilay in aanay doorkii uu mudnaa ka qaadan aaskiisa iyo waliba xanuunkiisa labadaba, waxaanu yidhi “Xukuumaddu Doorkii ay ku lahayd kamay qaadan arrintaas dhacday, hadii ay tahay markii hore ee uu Bukaanka ahaa ka qayb qaadashada daawayntiisii wax gacan ah oo ay ka gaysatay ma jirto, markan dambe ee ay geeridu ku timidna Wax tacsi ah oo ay u dirtay ehelkiisii, qaraabadiisii iyo umadii soomaaliyeed ee xidhiidhka la lahayd ama taqaanay aad iyo aad bay uga gaabisay baanu leenahay, waanan ku caambaaraynaynaa ka xisbi ahaan arrintaasi, waanan ka raali gelinaynaa beesha uu ka soo jeeday marxuumkaasi gaabis-kaas ay xukuumada Somaliland ka gaabisay fanaankaas reer Somaliland geeridaas naxdinta leh ee ku timid” ayuu yidhi.




Waxa uu xukuumadda u soo jeediyay in ay hada fadhiga uga kacdo sidii aaska Marxuumku uu uga dhici lahaa Magaaladda Berbera isla markaana loogu saari lahaa gudi heer qaran ah oo abaabusha aaska Marxuumka waxaanu yidhi “Waxa aanu leenahay iminka waa in ay xukuumaddu magacawdaa gudi qaban-qaabo oo aaska marxuumka diyaarisa isla markaana reerkii uu ka soo jeeday marxuumku si toos ah ula xidhiidhaa, kharashkii soo qaadista maydkaasna diyaariso, waa muwaadin reer Somaliland ah sidaas darteed xil baa ka saaran xukuumadda, maadaama oo uu ahaa fanaan ay umada reer Somaliland iyo Somaliyaba aad u taqaanay.




Markaa waxa aanu leenahay hadii aad xanuunkiisii in aad wax tartaan aad ka gaabiseen waa in aad aaskiisa diyaarisaan oo waliba aad ka hawl gashaan sidii loogu aasi lahaa Magaaladii uu ku dhashay ee Berbera”.




Maxamed Saleban Tubeec ayaa la sheegay inuu ku dardaarmay in lagu aaso Magaalada Berbera ee Xeebta ku taala, halkaasoo ah meel qadiimi ah oo dhinaca suugaantana meelo badan kaga xusan.




Hase ahaatee waxa isweydiinta taagani tahay Jinaasada Maxamed Saleban Tubeec hadii Berbera lagu aasayo miyaan Aas qaran loo samaynayn, miyaanse xukuumadda Somaliland xil ka saarnayn qaban qaabada aaskiisa.




Mise intii xurmo iyo naxariisi ku jirto iyo qoyskooda ayaa halkaasi ku aasi doonaa?




Labadan su’aaloodba waa kuwo dareen ahaan Bulshada Somaliland aad isu waydiinayso.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com