Waan ogahay noloshaadu la’aantayda iney sii soconeyso, waan ogahay inaad la’aanteyda farxad ku noolaaneysid, balse si kasto oo ii fogeysid waxaan doorbidayaa oo aan doonayaa inaan agtaada ku noolaado kuuna wehliyo sida hooskaada.
Weligaa ha U ilmeynin wiil, ha ahaado mid asiga kuu ilmeeyo, maxaa yeelay dumarka waa siismo iyo cafis buuxo, laakiin raga waa ka helid cusub iyo iloobid tii hore.
Fadlan Horteyda mar danbe ha imaanin hadii kale waxaan ahaanayaaa qof mar kale ku aamino. Waayo xusuustaada igama guurto waxaa ii roon inaad iga fogaato intaad mar kale I qayaani laheyd.
Dadka qaar waxey qalbiga ku dhaawacaan Hadal, halka dadka qaar aay ku dhaawacaan ficil, balse dhaawaca ugu weyn ee qalbi soogaaraa waxaan aamisanahay inuu yahay qof aad daneyneysid six ad dhaaf ah weliba wax kuula dhigmo aaysan jirin, haddana qofkaas oo iska kaa indho tirayo, kuna dareensiinayo inuu kuu baahneyn.
Qalbigeyga Jebi, nolosheyda burburi, iga daldoorso, iga tag anigoo ilmeynayo, balse xusuusnoow weligey waan ku jeclaanayaa kaamana harayo, cid aan adiga aheyna dhadhan jaceyl mawada qaadan doono.
Qalbi jabay mudo kadib waa laga yaabaa inuu soo kabsado uu qofkii iloobo, xusuus kugu taagan mudo kadib inaad ilowdo waa laga yaabaaa, ilin kaasooo daadatay iney qalasho oo aad iska masaxdo waa laga yaabaa, laakiin jaceylka aan kuu qabo weligiis maahan mid dhimanayo, illaa inta aan nooolahay.
Farqiga ugu weyn ee dunida kajiraa wuxuu u dhaxeeyaaa, BALAN & XUSUUS, BALANTA anagaa jebino oo oofin weeyno, balse XUSUUSTU ayadaa najebiso, oo anaga maahan waxaan sameyn karno.
Dharka aan gashanahay waan iska badalaaa, firaashka aan kuseexdo markuu wasaqoobo waan iska badalaaa, lakin wadnaheyga ayaad ku dhex jirtaa lagamana yaabo intaan noolahay inaan lamaane kale kugu badesho.
Hadii aad qof qalbigiisa jebiso, maalin adigana qof kale ayaa qalbigaaga jebinayo, dabadeed waxaad ogaan doontaa xanuunka qof qalbiga laga jebiyay uu dareemo, weliba adigoo shalaay iyo qoomameyn kaa muuqato.
Xikmada udanbeyso ayaa uu fasiran karaa qof caaqil ah keliya waxeyna tahay.
Inaad keligaa socoto madhib badno, laakiin markaad qof meel fog u raacdo oo aad keligaa kazoo noqoto ayaa aad u dhib badan.
Gobanimon News Agecny