Hoos ka dhegeyso: Khaatumo “Buuhoodle Somaliland iyo Puntland toona lagama taageersana ee Khaatumaa laga taageersanyahay”.Dhegeyso Waraysi dheer .
Puntland: Buuhoodle in badanbaanu ka xishoonaynay ee Maanta gacan bir ah ayaanu ka qabanaynaa..”dhegeyso
Somaliland oo Xafiis Maamul doonaysa inay ka furato Buuhoodle iyo Cuqaasa Reer Buuhoodle ah oo Puntland la qabsaday.Warbixin.
Buuhoodle(GNA)-Somaliland iyo Puntland ayaa dhaqdhaqaaqyo siyaasaddeed oo iska soo horjeeda ka bilaabay gudaha Magaalada Buuhoodle dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay.
Labadan dhinac ayaa doonaya inay saameyn siyaasaddeed iyo maamul ku yeeshaan Magaalada Xuduudka Itoobiya ku taala oo saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay si buuxda uga baxday gacmaha labada Maamul oo muddo dheer kala sheegan jiray, balse xafiisyo ku lahaa Magaalada ka hor intaan Maamulkii la baxay SSC ee Khaatumo isu bedelay maamuladdii u joogay ka eryin.
Hase ahaatee Maamulka Khaatumo la baxay oo fadhigiisu yahay Degmada Taleex ayaa sheegay inaan qorshaha Garoowe iyo Somaliland wax micno ah ka sameynayn Deegaanka, oo ay sheegeen in laga taageersanyahay oo qudha Siyaasadda Khaatumo.
Somaliland ayaa dhawaan Badhasaab cusub u magacowday Xariir Gadhweyne Masuul la yidhaahdo, kaasoo laba todobaad ka hor gaadhay Magaalada, ka dibna kulamo la yeeshay qaybo ka mida indheer garadka Bulshada si uu taageero ugaga raadiyo dawladda uu ka tirsanyahay.
Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle ee Somaliland Xariir Gadhweyne ayaa la sheegay inuu ka sekow kulamada uu sameeyay uu wato qorshe uu doonayo inuu Xafiis maamul kaga furo buuhoodle, inkasta oo aanay taasi wali u suurto gelin, lana sheegay in diidmo lagala hor yimi.
Guddoomiye Xariir oo sida la sheegay Buuhoodle ka soo laabtay iyadoo aan waxba uga suurto gelin qorshihii uu watay ayaanay noo suurto gelin inaanu war faahfaahsan ka helno mar aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay isagoo safar ku jira.
Puntland iyo Buuhoodle
Maalmo yar ka dib tegitaanka Buuhoodle ee Guddoomiyaha u magacaaban Somaliland oo ku beegan shalay ayaa waxa kulan magaaladaasi kula yeeshay Cuqaal iyo wax-garadka deegaanka xubno puntland ugu magacaaban iyaguna Gobolka Buuhoodle, kuwaasoo ku hanjabay in talaabo laga qaadayo cid kasta oo ka hor timaada siyaasadda Maamulkooda.
“wax badanbaan idin ilaaliyay oo aan lahaa Buuhoodle yaan dagaal ka dhicin, laakiinse way dhamaatay waanan fulinayaa amarka, cidii ka hor timaadana talaabo ayaanu ka qaadaynaa”sidaasi waxa Shir jaraa’id ka sheegay Guddoomiyaha Buuhoodle ugu magacaaban Puntland Axmed Aadan Carab.
Kaasoo sheegay inay Isimadda Gobolka isku af-garteen wada shaqayn iyo in bulshada loo adeego.
Buraale Jaamac Fagadhe oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Buuhoodle ayaa isna sheegay in isbedelka Garoowe ka dhacay Buuhoodle waxtarkiisu soo gaadhi doono.
“madaxweynaha Puntland waxaanu u sheegaynaa in isbedelka Puntland ka dhacay Buuhoodle si wanaagsan loo gaadhsiin doono oo aanu umadda u adeegi doono, dadkana waxaan leeyahay waad arki doontaan sidaanu wax u qabano”ayuu yidhi.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Maamulka-Buuhoodle-ee-Puntland.mp3"][/audio]
Mid ka mida cuqaashii kulanka la qaatay hogaanka Puntland ee Gobolka buuhoodle Chief Cabdiraxmaan Axmed Olol ayaa shirka ka dib warbaahinta u sheegay in laysku afgartay wax wada qabsi iyo in gacmaha lays qabsad.
waxaanu yidhi “waxaanu ka wada hadalnay Badhasaabka sidii umadda loogu adeegi lahaa iyadoo gacmaha lays haysto, in maamulka gobolka la wada gaadhsiiyo iyo in la wada shaqeeyo , waanan isu wada nimi dhamaan cuqaasha Gobolka oo dhan”
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Caaqil-maxamuud-Axmed-.mp3"][/audio]
Khaatumo iyo Buuhoodle + Ujeedada Shirka Taleex
Maxamuud Sheikh Cumar Xasan oo ah Agaasimaha Wasaaradda arrimaha Gudaha ee Khaatumo ayaa dhaqdhaqaaqa siyaasaddeed iyo imaanshiyaha maamulada laga soo magacaabay Hargeysa iyo Garoowe ku tilmaamay qorsheyaal riyo ah oo aanay waxba uga suurto gelayn cida wadata.
Maxamuud Sheikh ayaa intaasi ku daray in dadka reer BuuhoodleTaageero buuxda u hayaan Maamulka deegaanka ka taliya, labada Masuul ee Somaliland iyo Puntland u shaqeeyaana ay yihiin kuwo deegaanka u dhashay oo ku yimi “Niman Qoysaskoodii u yimi”, balse aanay wax siyaasad ah ka fulin Karin halkaa.
“Buuhoodle waxa ka dhisan Maamul la yidhaahdo Khaatumo state off Somalia, wax Puntland la yidhaahdo iyo Somaliland-na lagama taageersana, Ninka cuqaasha la kulmayna waa nin buuhoodle u dhashay, waxaanu u yimi reerkiisa.
“cuqaashuna iyagaa u yeedhay oo la hadlay markii la arkay isagoo waxyaabo ka baxsan ujeedadii uu u yimi ku jira, waxaanay ka dalbadeen inaanu la iman wax isku dhac abuuraya”ayuu yidhi Maxamuud oo Khadka Taleefoonka ee Degmada Taleex ugu waramaya Gobanimonews.
Maxamuud Sheikh Cumar, ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inaanay Puntland iyo Somaliland toona ka ogolaan doonin faro gelin siyaasaddeed oo lagu sameeyo Gobollada Maamulka khaatumo ka taliyo, waxaanu Maamulada kale uga digay isku day kasta oo khilaaf abuuraya.
Agaasimaha ayaa sidoo kale faahfaahin dheer ka bixiyay ujeedada Shir maamulkiisu manjaraha u hayo oo la filayo inuu dhawaan ka furmo Magaalada Taleex.
“Shirkaa waxa lagu dhisayaa Nidaam maamul oo dhamaystiran oo dimuquraadi ah, kaasoo ilaa heer Baarlaman leh, waana shirkii ugu miisaanka cuslaa ee la qabto sidaanu filayno, waxaana ka soo qayb-gelaya dad isugu jira hogaanka dhaqanka ee sare, Siyaasiyiin, waxgaradka iyo aqoonyahanka reer Khaatumo”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Halkan ka dhegeyso Waraysiga Maxamuud Sheikh Cumar:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Maxamuud-Sh2.mp3"][/audio]
Si kastaba ha ahaatee dhaqdhaqaaqyadan ka soo cusboonaaday Buuhoodle ee ay wadaan Somaliland iyo Puntland, ayaa ku soo aadaya xili Bulshada Gobolku iska ilaaween xuquuqdii bulsho ee ay ku lahaayeen hadiiba sheegashooda loo raaco, isla markaana waxba ka qaban waayeen dhibaatooyinkii colaada ehliga ahi ka mid ahayd ee saddexda sanadood soo jiitamayay.
Waxaanay tani iminka u muujinaysaa dadka taageerada Khaatumo la dhacsan faro gelin iyo fowdo abuuris aan loo baahnayn.
Gobanimonews
Laascaanood Office
Email: editor@gobanimonews.com