Waxa galabta Stamford Bridge ku balanasan kooxaha Chelsea iyo Arsenal oo u hanqal taagaya hanashada horyaalka Ingriiksa, waana kulanka ugu adag London oo ay ku hardami doonan labba tababare oo magac weyn ku leh kubadda cagta
Arsenal ayaa ku badisay guriga Chelsea 7 kulan oo Premier League ah mana jirto koox sidaas sameysay.
Chelsea iyo Arsenal waxey kulmeen 181 kulan dhaman tartamada oo idil, 57 ka mid ah waxa adkaatay Chelsea halka Arsenal ay badisay 71 jeer waxeyna barbaro galeen 53 kulan.
Kulamada ay labaddan koox isku arkeen horyaalka waa 76 kulan, Chelsea waxey badisay 26 kulan halka Arsenal ay badisay 25 kulan, waxeyna barbaro galeen 25 kulan.
Guushi ugu weyneyd ay Chelsea ka gaarto Arsenal ayaa aheyd sanadii 1969 waxeyna ciyaartaa ku soo idlaatay 3-0.
Arsenal guushi ugu weyneyd ay Stamford Bridge ka soo hooyso ayaa aheyd sanadkii 1930-kii waxeyna uga badiyeen 1-5.
Arsenal kama aysan badain Chelsea mudo labba sano iyo bar ah lix kulam oo ay la ciyaartay.
Arsene Wenger ayaan ka badin Jose Mourinho 10 kulan oo uu ka hor imaaday taariikhda.
Chelsea Loogama badin gurigeda 75 kulan oo uu leylinayay Jose Mourinho.
Kulankii ugu dambeyay ay Arsenal ka badiso Chelsea waxey aheyd October 2011.
Van Persie oo xilligaa Arsenal u ciyaarayay ayaa seddexley ka dhaliyay Chelsea kadib ciyaar ku soo idlaatay 3-5.
10-ki kulan ugu dambeyay oo ay labaddan koox ku kulmeen Stamford Bridge Arsenal waxy badisay 3 jeer.
Chelsea 10-kaas kulan waxey badisay 5 jeer waxeyna barbaro galeen labba kulan.
Kulankii ugu dambeyay oo ay horyaalka ku kulmaan wuxu ku soo dhamaday barbaro goolal la’aan ah waxana lagu ciyaarayay Emirates Stadium.
Kulankii ugu dambeyay oo ay labaddan koox ku kulman Stamford Bridge waxa badisay Chelsea kadib ciyaar ku soo dhamatay 2-1.
Ciyaaaryahanka ugu goolasha badan Chelsea waa Hazard wuxuna u dhaliyay 13 gool.
Ciyaaryahanka ugu goolahsa badan Arsenal waa Giroud wuxuna dhaliyay 12 gool.
Chelsea ayaa badisay 20 kulan waxeyna barbaro gashay afar kulan 24-kii kulan ugu dambeyay oo ay gurigeda ku ciyaartay.
Goolhayaha ugu wanagsan Premier League waxa hor kacaya Cech iyo Szczesny oo min 13 dhibcood heysta waxa ku soo xiga Hugo Lloris oo 12 dhibcood heysta.
Arsenal ayaa heysata rikoorka ugu wanagsan horyaalka kulamada ka baxsan garoonkeda.
Arsenal ayaa badisay 18 kulan ka mid ah 20-kii kulan ugu dambeyay oo ay gool la hor martay.
Chelsea ayaa badisay 16 kulan ka mid ah 19-kuu kulan ugu dambeyay oo ay gool la homareen.
Ciyaaryahanka ugu badan Ee London Derby goolal ka dhaliya waa Dider Drogba oo haatan u ciyaara Galatasaray.