Saturday, March 8, 2014

Wax ka Ogaaw Naadiga Uu Ku Riyoonayo Macalin David Moyes Inuu Xili Cayaareedka Dambe uu la yimaado saaxada tartamada..


Macalin David Moyes wuxuu qirtay in sanadkiisii ugu horeeyay hogaanka kooxda Man United uu noqday mid fashil daba kacay wuxuuna macalinka reer Scotland wacad ku maray inuu Man United awoodeedii dib usoo celin doono sidoo kalena uu xili cayaareedka dambe lasoo shirtagi doon naadi dhan walbo ka dheeli tiran taasi oo ku guuleesan karto koobka horyaalada Yurub iyo Premiership-ka sidoo kale dhawaan waxaa la shaaciyay in Moyes gacanta loo galiyay £200million si uu xagaagan suuqa Yurub uga soo dukaameesto, hadaba waxaa daaha laga rogay naadiga uu ku riyoonayo inuu Moyes dhiso, fadlan hoos kaga bogo 11-ka xidig ee uu tababare Moyes jeclaan lahaa inuu xili cayaareedka dambe ay garoonka Old Traffor kasoo muuqdaan:




 




Goolhaye: DAVID DE GEA




 




Daafaca: JONNY EVANS, MATS HUMMELS (Dortmund), SEAMUS COLEMAN (Everton), LUKE SHAW (Southampton)




 




Khadka dhexe: TONI KROOS (Bayern Munich), ARTURO VIDAL (Juventus), JUAN MATA, MARCO REUS




 




Weerarka: WAYNE ROONEY, EDINSON CAVANI (PSG)