Wednesday, March 19, 2014

Wasiirro Somaliland ah oo laga soo Eryey Badhan Iyo Puntland oo qabsatay Hadaftimo


Cabdi JamaalHadaaftimo(GNA):- Wararka ka imanaya Magaalada Hadaaftimo ee Bariga Gobolka, ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhexeysa Somaliland iyo Puntland, kadib markii ay Maanta ay Deegaankaasi la wareegeen Ciidamo ka amar qaata Maamul Goboleedka Puntland, kuwaasoo kasoo eryey Gobolka Badhan Wefti ka socda Xukuumada Somaliland oo hogaaminayey Wasiirka Kalluumaysiga Cali Jaamac  Buureed oo ay weheliyeen Saraakiisha Maamul iyo Ciidan ee Deegaanadaasi.Wasiirka kaluumeysiga




Xiisadan ayaa imanaysa dhowr Maalmood kadib markii Wefti uu hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland uu Socdaal ku tegay Deegaanka Laasqorey ee Xeebta Gobolka Sanaag, Socdaalkaas oo Maamulka Puntland ku tilmaamay tallaabo xad-gudub ku ah Xuduudka labada Maamul.




Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac, midkoodna, marka laga yimaado eedaymo ay isugu jeediyeen Booqasho Madaxweyne Siilaanyo, hase, ahaatee, goob-joogeyaal ku sugan Deegaanka Hadaaftimo, ayaa Gobanimonews u sheegay inay Maanta gelinkii hore ay Deegaankaasi kasoo celiyeen Weftiga Somaliland Ciidamada Puntland, isla markaana Weftiga Wasiirku dib ugu usoo laabteen Magaalada Ceerigaabo.




Sidoo kale waxay Wararku sheegayaan in Gudoomiyihii Gobolka Badhan ee Somaliland Cabdi Axmed Maxamed uu ka gudbi waayey Tuulada Yubbe sababo xiisadan la xidhiidha awgeed, inkastoo wararka qaarkood sheegayaan in Gudoomiyuhu ku xayiran yahay Tuulada Yubbe.




 Gulufka Ciidan ee Maamulka Puntland kula wareegay Deegaamada hoos yimaada Badhan, ayaa waxa hoggaaminayey Kornayl Cabdi-Jamaal Cismaan Maxamed, oo ahaa ku-xigeenka Wasiirkii Amniga ee Maamulkii Madaxweyne Farroole, kaasoo Magaalada Hadaaftimo ka dhex muuqday isagoo ku lebisan Dirayska Ciidamada uu horkacayo.




Weftiga Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland hogaaminayo, ayaa ujeedada Socdaalkooda lagu tilmaamay inuu ahaa sidii ay Deegaanadaasi u gaadhsiin lahaayeen mashaariic horumarineed oo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ugu talo-gashay bariga Sanaag.




Somaliland ayaa ilaa hada wax talaabo ah ka bixin talaabada ay Ciidanka puntland kula wareegay Deegaamadaasi oo ka mida dhulka Somaliland, balse wararka ka imanaya halkaasi waxay intaasi ku darayaan inay bilow tahay dib u curashada is maan-dhaaf dib uga dhex qarxa labada Maamul oo iyagu hore ugu dagaalamay Deegaamo ku tirsan Soohdimaha Somaliland la wadaago Puntland.




Gobanimonews




Ceerigaabo Office