Thursday, March 13, 2014

Wasiirrada Khaarajiga Somalia iyo Japan oo ka wada hadlay Xidhiidhka labada dal


IMG_2634




Tokyo(GNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay la socdaan Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullaahi Maxamed iyo Wasiiradda Howlaha Guud iyo Dib-udhiska Nadiifa Maxamed Cusmaan ayaa maanta xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibada Dalkan Japan kulan kula qaatay dhigiis dalkan Japan.



Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo  dhigiisa dalkan Japan Mr Fumio Kishida ayaa ka wada-hadlay xiiriirka labadda Dowladdood iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dalka.




Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa yiri “Dowladda Japan in muddo ah ayey caawineysay Soomaaliya ha ahadeen arrimaha gar-gaarka iyo la dagaalanka burcad-badeeda Soomaaliya,iyo  waxaaannu ka wada hadalnay sidii aynu u xoojin lahaayeen tageeradda iyo qaabka ay uga qeyb-galayaan mashaariicda horumarinta dalkeenna” ayuu yiri  Mudane Ducaale.IMG_2646




Ugu dambeyntii Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Duceele ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya dadaal xoog leh ugu jiro sidii xoojinta kalsoonida Dowladda Soomaaliya iyo Beesha caalamka.IMG_2636