Hargeysa(GNA)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa meesha ka saaray jiritaanka warar soo baxayay labadii maalmood ee la soo dhaafay oo sheegayay inuu ka cadhooday khilaaf soo kala dhex galay xubno ka mida Xukuumadda dabadeed uu isku dayay inuu dalka ka baxo.
Arrintan ayaa ka dambeysay, ka dib markii maalintii khamiista ee la soo dhaafay socdaal uu ku tegay Magaalada Burco loo fasishay mid uu doonayay inuu Buuhoodle ugu baxo arrimo cadho awgeed, ka dibna wasiirro xukuumadda ay ku wada jiraan halkaasi ka soo celiyeen.
Hase ahaatee Xaglo-toosiye ayaa sheegay inay tabasho iman karto, laakiinse aanu cadho dalka uga bixin “Rag wada shaqaynaya tabasho way ka dhex iman kartaa, waanay iska jirtaa tabasho, laakiinse ma jirto meel aan anigu cadho kaga tegay dalku, warkaasina waa mid aan sal iyo raad toona lahayn”ayuu yidhi Wasiirka oo wajigiisa laga dheehanayay cadho iyo dareen ka turjumaya xaaladiisa siyaasaddeed.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray “runtii Buuhoodle waan tegayaa, intaana waxa jiray duruufo keenayay inaan tegin”ayuu yidhi.
Wasiirka ayaa shirka jaraa’id ee uu ku hadlay waxa uu ku qabtay Hudheelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Halkan ka Daawo:
http://www.youtube.com/watch?v=ds8Y0IUMglU&list=UURpK1EfFTFA8wb13Yrdadkg
Gobanimonews
Hargeysa office
Email: editor@gobanimonews.com