Monday, March 24, 2014

Wasiir Abgaal:Safarka Madaxweynuhu ku tegay Goboladu haa Ololuu ahaa”dhegeyso


“Laasqoray waligay maan arag sanadka ka hor, waxaanan ku soo aragnay baahiyo badan oo bulshada ku gedaaman”hoos ka dhegeyso Shir-jaraa'id Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland .




AbgaalisHargeysa(GNA)-“Saaka ayay warqadii ugu horaysay ee Shirkaddaha isgaadhsiinta aan ku amrayey in Deegaamadda Xeebaha la gaadhsiiyo Isgaadhsiinta”sidaasi waxa shir jaraa’id ku sheegay Wasiirka Boosta iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal Maanta oo Axad ah.




Wasiirka oo shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa mar kale difaacay safarka Madaxweynaha ee Gobollada iyo Xeebta Laasqoray.




“haa safarka Madaxweynuhu wuxuu ahaa Olole oo aanu umadda cod mar labaad kaga doonayno, waayo waa waxay noo igmatay umaddu waa inaanu shaqayno oo aanu ka shaqayno sidii dib naluugu dooran lahaa”ayuu yidhi Wasiir Abgaal.




Wasiirka ayaa shirka Jaraa’id kaga hadlay dhawr qodob oo la xidhiidha isgaadhsiinta dalka, Safarka Madaxweynuhu ku tegay Xeebaha Galbeedka iyo Bariga iyo eeddeymo uga yimi dhinaca Puntland.




“waxaan hubaa Inaan ka guurayno Furaha 252 oo aan fure cusub yeelanayno, taas ayaan caddeynayaa, Boostii Somaliland waa la sameynayaa”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Halkan ka dhegeyso Wasiirka oo Su’aalo lagu waydiiyay Shirkaa jaraa’id:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Wasiir-abgaal.mp3"][/audio]




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com