Wednesday, March 5, 2014

Waran-cade: Waa la qabtay kuwii Dilay Taliyihii Bilayska Xaaji-saalax".


WarancadeCiidan1-264x300Hargeisa-(GNA)-Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa Goor-dhaweyd shaaciyey inay gacanta ku dhigeen gacan-ku dhiglihii dialy taliyihii saldhiga Xaaji Saalax Hure Sahal Ducaale oo todobaad ka hor uun lagu dilay tuulada Laan-mulaaxo goor habeenimo ah.




Warancade oo ka hadlaaya Qabashada ninkaas wuxuu yidhi  ““Waxaan jecelahay inaan dadweynaha ugu bushaareeyo in Gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglihii dilay taliyihii Saldhiga Xaaji Saalax Kaas oo uu hadda ku jira Gacanta Dawlada, waxaan u mahad naqayaa salaadiintii qiimaha lahayd ee gacanta ka gaysatay in la soo qabto gacan ku dhiiglahaas.




waxa kale oo aan u mahad naqayaa cuqaasha, ciidanka  Booliska, bulshada deegaanka oo gacan ka gaystay iyo Dawlada Itoobiya oo gacan balaadhan na siisay, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa reerkii uu ka soo jeeday marxuunka la dilay oo naga aqbalay inay ku kalsoonaadaan dawlada oo aanay haba yaraatee wax dhaq dhaqaaq oo aargoosi ah  samaynin, maantana aan u sheegayo in gacan ku dhiiglihii gacanta lagu hayo.”




Dabley hubaysan ayaa laba todobaad ka hor goor Habeen ah toogasho ku dishay Taliye Hure Ducaale oo haystay Bilayska Degmada Xaaji-saalax ee Gobolka Daad-madheedh.




Dilkaasi ayaa la sheegay inuu daba socday dilal hore oo aano ah.




Gobanimo news




Hargaysa office