Monday, March 17, 2014

War Deg-dega: Qarax lala beegsaday Xero Ciidanka AMISOM ku leeyihiin Afgooye


Afgooye(GNA)-Kolanyo ka tirsan Ciidamadda AMISOM ee Soomaaliya ayaa goor dhaweyd lagu weeraray Gaadhi laga soo buuxiyay Walxaha qarxa, iyagoo sii gelaya Xero ay ku leeyihiin Duleedka Degmada Af-gooye.




Weerarka ayaa dhacay xili ka dambeeyay Lixdii Galabnimo ee Maanta.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidamda AMISOM oo la xidhiidha  Khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo ciida fulisay toona, hase ahaatee Dad Goob-joogeyaal ah ayaa Gobaninonews u xaqiijiyay in qaraxu uu ahaa mid aad u culus oo gariirkiisa laga maqlayay meelo fog-fog.




Warka ayaa intaasi ku daray inuu jiro khasaare soo gaadhay ciidanka la wareeray laakiinse xajmigiisu ma cadda.




Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee bishan gudaheeda lagu weeraro Xoogaga AMISOM oo dagaal ba’an kula jiray todobaadyadii ugu dambeeyay dagaalyahanada Al-shabaab.




Kala soco wixii war ka soo kordha halkan..