Dhegeyso: qofka Somaliga ahi hadii uu ka yimi Somaliland,Puntland iyo Gobollada dhexe qaar lama qaabilayo..fursado shaqo ayay helaan, ”Waraysi Wariye M. C. Caynabo xaga hoose ka dhegeyso.
Jasiirrada Malta oo la ciir-ciiraysa soo gelooti Carab iyo Afrikaan ah, yaase ugu jaanis wanaagsan shaqooyinka?GNA
07.03.2014-Malta(GNA)-Kumaan Soomaali ah , ayaa sanadihii la soo dhaafay Tahriib ku galay Jasiiradda ku taala Badweynata Mideterain ee Malta, halkaasoo ay intooda badani ku gaadheen doonyo ay ka raaceen Xeebaha waddanka Libiya.
Soomaalida ayaa ka mida Tahriibeyaal Afrikaan ah oo Jasiiradaasi lagu qabiley, kuwaasoo marka ay halkaasi gaadhaan lagu qaabilo Xeryo qaxoonti oo ay Dawladda MALTA, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay dib u dejin ugu sameeyaan dadka magan-gelyo doonka ah ee ka soo kicitima Waddamada Afrika iyo Bariga Dhexe.
Qaxoontiga Jasiiradaasi gaadhay saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay waxa ka mida Somali, Itoobiyaan, Eriterian, Suuriyaan, Masaari iyo kuwo ka yimi wadamada Waqooyiga Afrika, sida Liibiya iyo Tunisia.
Soomaalida ayaa la tilmaamay inay yihiin saddex meeloodow, meel dadka Afrikaanka ah ee ku jira ama Jasiiradaasi gaadhay sanadkii 2013-ka(1/3).
kuwa ka yimaada wadamada kale ee Afrika ay ugu badanyihiin Eriterianku, sida lagu xusay warbixintii ugu dambeysay ee Dawlada Malta kazoo saartay tirada dadka soo gelootiga ah.
Tahribeyaasha Afrikanka ah, siiba Somalida ayaa dhibaatooyin badan la badda dhexdeeda kala kulma intay jidka ku sii jiraan, iyadoo ay boqolaal Ruux Biyaha dhexdooda ku dhinteen, ka dib markii Doonyihii ay saarnaayeen la qaraqmeen ama dhibaato kale oo dhanka socodka ahi la soo deristay.
Boqolaal dhalinyaro ah oo rag iyo Dumar isugu jira ayaa la qaxiijiyay inay ku haligmeen Bada u dhexeysa Liibiya, Malta iyo Talyaaniga, iyagoo ku sii jeedda dhinaca Qarada Yurub iyo wadamada kale ee Galbeedka oo albaabka laga galo Jasiirada Malta ka mid tahay.
Inkasta oo ay taasi jirto, hadana kumayaal kale oo Dariiqa halista badan dhib iyo rafaad badan ku dhaafay, ayaa gaadhay Malta, kuwaasoo qaarkood halkaasi u sii dhaafeen dhinaca waddamada kale ee yurub, kuwo badanina wali ku jiraan Xeryo qaxoonti oo dib u dejin loogu sameeyay.
Hadaba si aanu wax uga ogaano xaalada ay ku sugan yihiin guud ahaan dadyowga qaxoontiga ah ee halkaasi ku nool, siiba kuwa Soomaalida, ayaa waxa Gobanimonews waraysi la yeelatay Maxamed Yuusuf Cali (Caynabo) oo ah Wariye Madaxbanaan oo ku nool Caasimadda Jasiirada Malta ee Valleta.
Waxaana Khadka Taleefoonka ee Magaaladaasi ku waraystay Wariye Saleban Cabdi Cali oo ku sugan Xarunta Gobanimonews ee Magaalada Hargeysa.
Wariyaha ayaa ka waramay guud ahaan xaalada Somalida halkaasi ku nool, dhibaatooyinka ay kala kulmaan dalkaasi iyo fursadaha shaqo ee ay helaan.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Waraysi-MaltaSX.mp3"][/audio]