Saturday, March 15, 2014

UCID: Raxan Wasiiro ah ayaa Mashxarad la daba socda Madaxweynaha olole ku maraaya gobolada


Ardaydii ayaa laga gurayaa nusu-saacahii biilka looga jaray oo wadada Ceerigaabo loogu biirinayaa qaadhaanka loo gurayo.Wadada cad ee ina-guuxaa,ta oodweyne iyo dawga cad dan kama laha xukuumadu oo midna waxba kumay darsan marka laga reebo ta 5km oo ay ku darsatay ta ina-guuxaa.Xukuumaduna waxay u xil saarantahay dalka jamhuuriyada Somaliland dhamaantii balse waxaad moodaa inay ka masuul tahay gobolo gaar ah.




Waxaynu ognahay inay badi xukuumadii la socoto madaxweynaha oo safar olole ku maraaya gobolada qaar bal hadaba kharashka ku baxaya safarkan xukuumadu u dhantahay miyaanay wax ka tarteen wadooyinkan aduun la’aanta u fadhiya.Waxa jiray berigii kulmiye mucaaridka ahaa madaxweyne Axmed-siiraanyo inuu ku caan baxay wax ka sheega kharashaadka ku bixi jiray safarada xukuumadii Riyaale ay dibada ugu bixi jireen. Afartan sanno ee uu hogaanka dalka hayo madaxweyne Axmed-siiraanyo waabu ka daray tii uu dhaliisha ka dhigi jiray.Bal qiyaas bixida iyo soo noqoshada madaxweynaha ama wasiirada waqtigooda badi ku qaatay safarada dibada inta kharash ee ku baxda! Waa hubaal inay millions ku baxeen shidaalka iyo tigidhada oo qudha marka aynu soo qaadano 12 safar oo qudha,hadana caasimadu weli waa bilaa biyo,jidadku waa bilaa laydh,diiwaan gelintiina daasad ayay u dhigteen dalal shisheeye.Waa kala maan.




Waxa taa barbar socota oo ka sii jooga sifooyinkii kharibnaa ee Siyaad Barre ku dhaqmi jiray wasiiradan hawshii qaran faraha kala baxaaya mar kasta oo uu madaxweynahu safar dalka ku maraayo ama dibada u baxaayo ama sooba degayo,waa calaamadaha keligii taliya-yaashii aduunka soo maray lagu yaqaanay.




Waa la yaabe madaxweynaha iyo shacabkiisu ma tarjubaano wasiiro ah ayay u baahdeen,waa maya.Hadaa madaxweynahu ma waxuu u baahday mashxarada wasiirada mise inay markhaati uga noqdaan soo dhowaynta shacabka hadba halka uu marayo.Talow hawshii qaranka ee intaas oo wasiira ay hayeen yaa lagu ogyahay ilayn marka horaba ku xigee-nadooda iyo agaasima-yaashoodaba hawsha kumay aamini jirine oo waa kuwii media-ha iyaga uuni soo fadhiisan jireene.




Waxa aan ku soo afjarayaa tallow wasiirkee ayaa ku guulaysan doona mashxarada ay madaxweynaha la daba socdaan.




Madaxweynahana waxa aan leeyahay waadigan bilaabay ololahii muddo kordhintaadee waxaad qorshaha ku darsataa caasimadana inaad biyaha wada gaadhsiin doonto inta sannadkan ka hadhsan.




Xuseen Xasan Badmaax




Hargeysa/JSL