Friday, March 7, 2014

Tababare Wenger Oo Ka Cadhooday Falkii Uu Daniel Agger Ku Dhaawacay Jack Wilshere.


AggerTababaraha Kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa ka cadhooday falkii uu kabtanka Xulka Denmark iyo daafaca Kooxda Liverpool Daniel Agger ku dhaawacay xidig yaraha xulka England iyo Kooxda Arsenal Jack Wilshere kulan ciyaareed ay xulka England 1-0 kaga adkaadeen Denmark Arbacadii.




 




22-jirkaan Arsenal khadka dhexe kaga ciyaara ayaa ka maqanaan doona garoomada muddo Lix Todobaad ah kadib dhaawic kasoo gaadhay cagta hoose.




 




Sida ay shaacisay Daily Mirror Agger ayaa aaminsan in Wenger ay cadhada ka keentay inuu lumiyay qof muhiim ah oo tartanka horyaalka inuu kaga hadho ay halis u tahay.




 




Dhanka kale Wilshere ayaa seegi doona kulamo adag oo kooxda kusoo wajahan gaar ahaan kulamada Everton, Tottenham, Chelsea, Man City kuwaas oo ah kulamo mixnad badan oo sababi kara in kooxda ay hamiga horyaalka lumiso hadii ay guuldareysto.