Suldaan Yuusuf Muxumed (Xiirey) oo ka mid ah Salaadiinta dhaqanka ee reer Somaliland ayaa Madaxweynaha Somaliland ku tilmaamay Madaxweynahii Taariikhada Somaliland intii ay jirtay ugu waxqabadka badana uguna baaqay Madaxda Maamul goboleedka Somaliyeed ee Putland inay ixtiraamaan wada noolaashaha ,nabad gelyada iyo Jaarnimada inaga dhexeeya aanay ku xad gudbin.
Afhayeenka Salaadiinta iyo dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed (Xiirey) oo magaaladda hargeysa Warbaahinta kula hadlaayey ayaa sheegay in Dekeddaha ilaa afarta gaadhaya iyo Waddooyinka aan tiradda laheyn ee Madaxweyne Axmed (Siillaanyo) uu qaarna hirgeliyey qaarna hada dhagax dhigay iyo Safarka taariikhiga ah ee ku marayaayo Boorama ilaa Laasqoray ay tilmaan in uu yahay Madaxweynihii abid ugu wax qabadka badnaa Somaliland intii ay jirtay.
Suldaan Yuusuf Muxumed (Xiirey) oo arimahaasi ka hadlaayey waxa uu yidhi “Safarka Madaxweynaha Somaliland ku marayo gobolada dalka Boorama ilaa Laasqoray waa guul u soo hoyatay qarankan Somaliland intay jirtay, wali may dhicin in Madaxweyne aan Siilaanyo ahayni uu tago Laasqoray,waa geesinimo waa qaran nimo,waxaanay ummada Somaliland tusaysaa muwaadinimada,waa safar uu madaxweynuhu ku ogaanayo baahida taala deegaanadaa uu maray oo dhan,Madaxweyen Siilaanyo si wanaagsan ayuu yeelay waananu soo dhaweynayaa Safarkaasi hadaanu nahay odayaasha dhaqanka Somaliland,dadka reer laasqorayna waxaan leeyahay guul weyn ayaa idiin soo hoyatay,Dhaktarkii iyo Schoolkiiba waa la idiin dhagax dhigay”
Afhayeen Xiiray oo ka hadlaayey Socdaalkii madaxweynaha ee Goboladda Galbeed waxa uu yidhi “bulshada waxaan leeyahay yaanu idin waalin nin meelahaa ka had hadlay,waxaan leeyahay reer Awdal iyo reer salal si fiican ayaad yeesheen si qurux badan ayaa u soo dhaweyseen Madaxweynaha,waayo hadaanu nahay Odayaashi dhaqanka waxaanu masuul ka nahay reer Somaliland oo dhan,bulashadana wixii wanaagsan ee loo qabanaayo waanu soo dhaweynayaa, Xukuumada Madaxweyne siilaanyo waa xukuumadii ugu waxqabadka badnay ee abid soo marta dalka,waxaan shacabka reer Somaliland ugu baaqayaa in ay wax la qabtaan dawlada oo ay la shaqeeyaan”
Suldaan Yuusuf Muxumed (Xiirey) oo bogaadinaayey “Dhameystirka Ilaahay ayaa iska leh laakiin waxa haboon in aad himilo iyo wax qabad muuqda aad la timaado oo aad dalkaaga iyo umaddaada aad maamul wanaagsan oo daacad nimo ah ayaa loo baahan yahay Madaxweyne Axmed (Siillaanyo)na hawl wanaagsan ayuu dadkiisa iyo dalkiisaba u qabtay oo u la yimid waxa uu dhagax dhigay ku dhawaad Afard Dekeddeed oo bari iyo gelbeedba leh oo Somaliland u soo kordhay horumarna dalka u horseedidoona,halka uu wadooyinkii ugu badnaa ee dalka loo dhiso gobol kasta iyo degmo kastana ka hirgeliyey waxana aanu soo dhaweynaynaa aniga oo ka wakiil ah kuna hadlaaya afka Salaadiinta iyo dhaqanka ah reer Somaliland wadada uu hada soo daah furidoono bilawgeeda waa jidka isku xidhidoona Ceerigaabo iyo Togdheer oo ku dhawaad ilaa 400Km taasi oo muujinaysa sida Madaxweynaha iyo Xukuumadiisu sida ay ugu suntanaan doonaan taariikhda dalkan dhinac kasta oo ay noqoto horumarka wadooyinku hawgu horeeyee”
Afhayeenka Salaadiinta iyo dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed (Xiirey) oo maamul goboleedka putland fariin iyo talo wada socda u diraayey waxa uu yidhi “Putland waxa aan filayaa inay dhawraan oo Ixtiraamaan nabadgelyada iyo wada noolaashaha iyo jaarnimada inaga dhexaysa,waxa aan maqlaayey nin Wasiir ah oo leh Somaliland ayaanu argagax ka qaadnay markii uu Madaxweynahoodu yimid Laasqoray waxa aan leeyahay dadka maaha in aad u kala abtiriso oo Qabyaalad iyo anaa hel xiga iyo reer hebel ayaanu isku nahay la soo taagnaato waa laga fiican yahay dhulkuna maaha meel kolba cidi iska sheegato ee qaran iyo dawlad ayuu ku abirsada oo Somaliland weeyaan meesha ay dadkaasi iyo deegaankaasiba ku sun tahay yihiin waxana ka marag ah wax qabadka iyo Dekedda uu Madaxweynahu u dhagax dhigay iyo in waliba 10Km meel u jirta Laasqoray dad weynahii deegaankaasi Madaxweynaha iyo weftigiisa kaga horyimaadeen oo ku soo dhaweeyeen taas ayaa cadaynaysa inay dadkani Somaliland ku abtirsadaan,Madaxweynaha maamulka Putland Dr Cabdiweli Gaasna waa nin aqoon yahan ah oo Caqli fiican mana u muuqdo nin Colaad iyo dhibaato dadka walaalaha ah ee wada degan iska horkeenaya”
