Sonyo ma dallada dhalintaa mise waa dallada dhawr qof ???
Su’aal aan waydiiyay dhalin tiro badan iyo jawaabaha igaga soo noqday
Guled Biixi sxbkay anuu dalada sonyo waxaan u arkaa inay ka gaabisay hawlihii loo igmaday...
Moe Tariq sonyo waa dalada dhowr qof uuna baahan is bedel degdeg ah ina lagu sameeyo haddii kale waxaa dhici in dhinaca kale loo rogo
Abdilatif Mohamed Waa kuwo ku adeegta magac dhalinyaro oo tuuga ah oo waliba cadaqatayal ah
Haji Adnaan Ooto Biihi Dalada sonyo anuu waxan u arkaa NGO afar inan oo yaryar ku dawarsadan
Cabdiqaadir H. Shaqale uma aqoonsani inay thay dalad ay ku buhoobeen dhalinta somaliland ee yaa yidhaa adeer magaca noodaaya ............!!!!!
Sirr Fais Goth haday dhalinyaradii qaarkood biidhi qaateyaal noqdeen maxa xal ah ee aynu gaadhnaa maxaase magaca looga soo celiyaa nimankan ama loo tusaa kalinimadooda taasina waa mid inaka inoo taal
Mustafe Hassan Mohamed Sonyo waxan u arkaa inay tahay meel waxuun lagu cuno, magaca ay wadato iyo wax qabadkeeduna waa kaaf iyo kala dheeri
Guled Ismail Ali Dalada Dhalin yarada Somaliland Sonyo
Sharmarke Ismail Ilama aha in ay Somaliland oo dhan dhalinyarteeda u tahay dhex, oo ay matali karto
Mohamed Muse Tiyo Dhowr Qof weeyi
Abdo Musza rayi ahaan dalada sonyo maaha mid matasha ama wax uu tarta dhalinyarta ay ku magacaban yihiin ee waa dalad dhawr qof ku qadhaabsadaan
· Mezcut Omer Odowaa, Naziir Dahir Jama, Abdirahman A Gurey and 7 others like this.
Mustafe Awliyo sonyo ma xorbaa waa lahaystayaale iyo guul wadayaal
Abdihakim Yasin Abdilahi Waa profit organisation
Shab'an Kaise kow waar nimankaasi dhalinyarana ma matalaan ee halayska qabto
Abdirahman A Gurey Shay allale iyo shay ay qabteen wali ma maqal
·
Eng Khadar Jeep SONYO waa NGO iska shaqaysta.. Mid uunbaanse ka xumaada waa waxa ay u
taaganyihiin iyo halka ay taaganyihiin oo aan islahayn!
Sxb waa su'aal fiican, Caqligayga yar ee gaabani wuxuu aaminsan yahay in Sonyo aanay ahayn dallad u Adeegta Dhalinyarada S/land Balse ay tahay, Weel ay Ashkhaas ama Kooxo dan lihi ku adeegtaan
Ismail Ibrahem
![]()
Waxn u arka fikir niman samaysteen lakin dad gari ku ceesho
Eng Amiin Philips
![]()
niyaw walaahi horta aasaas keediina waan joogay siday ahaan jirtay iyo hada isku mid maaha hada waxay noqotay maamul goboleed yar
war ninyow daladaasi waa dibb usocod bn u arkaa
Hamze Ali Dalha
![]()
Maye anu waxan qaba iney tahay dallad aan dhaliyada waxba u qaban eey tahay mid dowlada ka magacaban wayo hadey dhalinyaraada u shaqeyso waxan la arki alaha waxqabadkeda sida garoomo kubada iyo waxyaalo la mid ah
Mohamed Ahmedd
![]()
Dalad dhowr qof ban u arkaa
· ![]()
Warsame Osman Org uma arkee waa calooshooda u shaqaystayaal walle
Mustafe Caqib Dallada sonyo waa org. Iskii u shaqaysta, oo ay managegrayan shaqsiyaad mana fiicna in wax lagu cuno magaca dhalinyarta cuz dhalin yar oo dhan ma kulmsi.
· ![]()
Ahmêd Adẳm Ĭprâhĭ M SonYo Maaha Urur Dhalinta Wadanka Si DaaCad Ah Ugu Adeega, Mana Aqabalyno Inan MaGa Dhlinta Aan Waxba Loo Qabanayn In MaGaCooga Wax LagU Cuno. Wataa Kuu Cadaynaysa Dhawn Wxa Ay Ahyd Markii Sanad Guuro Ay Dalladu Lahyd Lagu Qabtay Maansoor Hotell IyaGa I Madaxwaynaha Dalkuba Taas Oo Aan Lagu Xusin Wax Allaale Iyo Wax Dhlin Yara Tahtiibaysa Loogu Talo Galy.
· ![]()
Ibnu Axmed Hassan Dallada sonyo waa org. Iskii u shaqaysta, oo ay managegrayan shaqsiyaad mana fiicna in wax lagu cuno magaca dhalinyarta cuz dhalin yar oo dhan ma kulmsi.
· ![]()
Mohamoud Mohamed Ahmed
kkkkkkkkk waa runtaa taasi mashruucyo waawayna way qaataan runtii
oo wax badan lagu tari karo iyagooo one day shaqa laanta dhalinta haysatana aan ka hadal oo ay u habradaan kolba dawlada joogta
oo waxay ku odhanayaa ururku siyaasada wuu ka madax banan yahay
waxad is odhanysaaba maba fahan sana kaalintay dhalinta ugu jiraan
niyaw runtii sidaan anigu isleehay waa dallad magac dhalinyaro mashaaric ku cunta se dhalinyarada wax ay u qabato aan lahayn
waa dalad dhawro qof ku ceeshaan laguna qaato magaca dhalinyarada somaliland
‘Manigaa sarteediyo
Sinaheeda hoosiyo
sonyo teeda qaawiyay’?
Haday is qaban waayan magacaaga iyo muuqaagu ilayn ma hawl yaree iyaba waa cajiiib waa dallad balaadhan baladh iyo facwayn urur weeye u unkan sida magiciisa ku cad dhalinta qaranka Somaliland saylac ilaa laascaanood sumada midabkeedu waa bilic san sidii lagu yagleelay habkii loo abuuray xiskii lagu aasaasay maskaxihii ka danbeeyaya hir galinteedu waxay hilaabin odoros iyo sahan dheer u galeen midaynta dhalinta iyo in la helo hogaan barbaarta uu adeega oo ardaa isugu keena kana turjuma tabashada waayaha duruufaha iyo baahiyaha balaadhan ee dhalinta hor iman kara aad baan ugu mahad celinayaa dadkii iyo cidkastoo ka qayb qaadatay samayntii sonYo fikirkii ka danbeeyay iyo shaqsi kastoo fikir ku lahayd hal-abuurki dallada
Dalladu waxay soomartay maraaxil kala gadisan xaalado kala duwan wakhtiyo waayo iyo amino xanaf iyo xajiimo dhaqaale ay u itaal yarayd una lii datay oo wax kastoo iin ay yeelato loogu garaabi jiray laakin wixii ka danbeeyay shaqsiyaadkii asaasay ilayn wax walba cida abuurtay loogama lexejeclo badnee waxa dallada ku habsaday gacantana ku dhigay dulin diir iyo ayax dabo ka yaab qaba oo dalqadooda mooye aan cidna u danayn , una jooga kana dhigtay dalladii ubacda iyo muga balaadhnayd seere in yari ku adeegato.
Dhiigyo cabka ku qadhaabta magaca dhalinta waa magaca sonYo da maanta, mid aan anigu ula baxay maaha lakiin waa magaca u bixiyaya qaab dhaqanka qalooca majare habawga micne duminta maamuus luminta micno burinta milgo seega iyo shaadhka ay xidhan yihiin hogaanka sonyo da maanta kuwaas oo aan odhan karo waxay tafa xaydeen majaro habaabiyeen yoolkii loo abuuray sonyo iyo hadafkii sonYO loo hir galiyaay, waayo hormoodka sonYO da maantu waxay ka habradeen kana gaabsadaan ka hadalka danaha baahsan iyo dhiiri galinta dhalinta waxay ku canaanan kari waayeen cidna awoodooda urur iyagoo aynu ognahay intay awood leeyihiin, tolow ma waxy rabaan in loogu dhaarto awoodooda may oo maxaan ugu dhaartaa miyaanay ahayn iyagu kuwa buriyaay burjigii bilicdii badhaadhihii iyo baar qabnimadii dhalinta ,markaa miyaynaan odhan Karin waxay lumiyeen awoodii dhalintu u igmatay iygoo magaca dhalinta quudhsi tiro beela ku haya ! iyagoo ka dhago iyo indho la kaalinta ay dhalinta ka taaganyihiin fahankooduna ka fogyahay xilkooda , maba oga miisaanka muga iyo culayska ay leeyihiin haday ka badheedhan kana run sheegan hanka himilada hiigsiga horumarka iyo hormoodnimadooda loo ig maday madalkasta iyo meelkastana kala muuqdaan oo aanay cidna madax iyo mijo toona uga habran hanka himilada iyo fikirkii fidsanaa ee loo abuuray.
Maha mana qabo inta si wax iila eregtaaana kolay uma malaynayo inay eragto sonYo ku hawlan kuna shaqaysa caqli fayow oo ka cilad la calooshooda , waxay qaataan qandaraasyo waawayn aadna u balaadhan kuwaaso wax badana ka tari kara baahiyo caqabado iyo tiiraar waayuhu fidiyay oo dhalinta ku hor go’an kana hortaagan hore u socodka kuna yuurura hanka himilooyin iyo hami midho loo aayo dhali laha , lakiin nasiib daro mashaaricdaasi waxay ku dhacaan jeebabka in yar kuwaas oo u isticmaala danahooda duruufahooda iyo baahiyahooda gaarkaa oo maxaan kula yaabi wali may eragba cid kula xisaabtanta qaadhaamada ay ku qaataan magaca balaadhan ee ay huwanyihiin , ha ku dawarsadaan magaca dhalinta maba xuma oo iyaba waa dhalin yaro lakiin waxa danbi cada ah isku sidiga dhalinta aanay matalin waayo waxay si cad uga been sheegen qorshihii qaabkii iyo hanaankii loo abuuray mana qabo inay matalaan dhalinta ,
Waxaad aad ula yaabaysa markay waxa qabadyo ka sheekeeyan illayn af aanad lahayn ma aamusiisid damiirka qumani wuxuu ka qalooda qalooca iyo ka been sheega wax kastoo ka daba imanaya tolow ma caamo iyo caruur inay u waramayaan bay isu haystaan , wax kale iska daayo garoon kaliya oo garoomada caruurteenu ku ciyaarto ah hal bir kamay taagin bal wax qabad kaloo buurani ha danbeeye , dameero loo sheeg dheh, wax qabadka tirada belay ee ay ka sheekeeyaan ama sheegtaan waxay ku noolyihiin hafar markasta amin walba goobkasta iyo goorkastana waa kuwa hagardaamo horleh dhalinta la horjoogan, dhalintana ma matali karaan afar qof oo danahooda gaarka ah ugu hoos jira magaca dhalinta ,
Waxaan cidna madmadaw mugdi iyo humaag kaga jirin inay fashilantay dalladii loo unkay ururinta tayaaynta tabtaabinta tusaale la hor jooga hagardaamo ka dhawrka hormood u noqoshada iyo ururinta dhalinta, waxay noqotay sonYO dallad ay ku manaafacaad sadaan dhawr qofi kamana noqon karto wakiil cid dhaafsan xayndaabka ay ku quutaan xoolaha ay ku soo dawarsadaan magaca dhalinta, hadaanay waxba soo kordhinayn kaalinteediina gabtay sonYo muxuu xal ku noqonayaa ???
Kuumaan dardaar warin
Kuna dayrin maaye
Wuxuunbaan ka digayaa
Cirga aad inuu da’o
Ku dohayeey ileedahay
Inaanu daruurayan!!!
Xalku waa in la helo dhalin ka madhan musuq, majare habaw ,qalooc iyo calooshoda oo kaliya kana runsheega yoolka himilooyinkooda , han iyo hunguri meel marnaba ma wada joogi karaan mana wada talaabsan karaan waayo noloshu waa laba mid uun inaad han yeelato kana waynaato wax kastoo hanka iyo doonistaada fog ee dadnimo ka sokeeya ama inaad hunguri iyo dhadhamo la noolato ugana hortimaado badheedh wax kastoo dhaafsan mar qudha wax afka la galiyo
Naf uu helayuu hagaay
Hunguri waa meel sokee
Hilbiyo sharaf waa midkee
Han iyo shilin keed rabtaa?!
In badan bay dallada sonYO ku yuururtay dhalinta iyadoo ka fog kana gaabisay wixii loo abuuray mudo bada ,wakhti dheer iyo dharaarihii ay tunka ku sidatay masuuliyada magacan aanay matalaadiisa iyo sidashadiisa toona u maaro hayn way ku fashilantay waa waajib inay garawshiyo iyo garnaqsi ka sameeyan kana garaaban , aminta maantu waa maalintii laga tashan lahaa sidii loo heli lahaa dhalin ka runsheegta awooda iyo qiimihii dhalinta lagu ogaa una daneeya dana kale dadkooda , waxa la gaadhay xiligii xanafta xajiinta iyo hawl gabka sonYo la isaga iman laha tashi iyo talo balaadhan oo dhaman darafyada dhalinta s/land isaga iman lahaayeen iskana erki lahaayeen lagagana wada hadlilahaa sidii loga guuri lahaa gurigan jabadka ah ee hadh iska daye hawlo badan lagu seegay,,,
Waxaan doonayaa talo, talo aan dib loo erag dhalin xoorta
garashada talo lagu gudoonto intii baaqatee hore.
‘Hadaad ka xorowda uurka qof baad tahay xay ah uunka!
W/Q Faysal Hashi Ahmed Hashi
Email:faysal_daakir@hotmail.com