Pages

Monday, March 10, 2014

SONYO: “NGO” aan Dhalinta Meteli karin!Faysal Xaashi


SayidWaxaad maqlaysaa marar badan waxaanu nahay dallada dhalinta qaranka cajiib oo tolow yayse  matalaan iskadaa dhalinta qaranka oo dhallinta inta la shaqaysa ee xafiisyadooda joogta ayaanay matalin qaybo ka mid ah waxay ku unkantahay maroorsi iyo  in inta ka shaqaysa ay sii kala xigsato iska daa inta dabada ka joogta warkeedo ,  hal hays yadooda ugu mudani  waa midnimada dhalinta iyo ururinta dhalin is uur og misna  talaabooyinkooda waxay ku raad gadaan furfurka dhalinta iyo kala gaynta dayarta  si ay ugu guuraan magaca dhalinta ee ay sida beenta ah ugu  sidkanyihiin , matalaada dhalintu ma in meelahaa lagaga khudbeeyoo  lagu   aftahamo bartaa , ma in la majaro habaabiyo yoolka dhalinta laguna ilaashado dano gaar ah baa , yaab , ma gaydo dhalintu been abuur , wixii sonyo loo abuuray way gabtay waana lama huraan inay ka gaaraabaan illayn gobi waatii gar qaadatee , haday ku fashilmeen ka runsheeg hadafka dhalinta , sonyo waxa looga fadhiyaa ugu yaraan inay dhigaan magaca ay sida wayn ugu heeryaysanyihiin ee dhalinta lana baxaan magac u gaar ah  “NGO” gooda uguna shaqaystaan si madax banaan .




Waxa tiro belay sad burinsiimada iyo ku tagri falka magaca dhalin waynta  somaliland, aqoontu may garan waayin in nimankaa loola af baxo balse dhalintu waa tix galisay isla markaan in badan ba laga dhursugay  lana  dhawray in sonyo is badal samayso , balse nasiib daro hankoodu ma korin himiladooduna kamay durkin dhaliilaha ay huwanyihiin  waa  lagu hungoobay  run ahaantii sonyo.




 




Ha siijito waan lahaa




Hajoogtana waan lahaa




Ha hayso hogaanka oo




Xaqiina ha haybisoo




Dhalinta ha u hiilisoo




Hormayn ha u laylisoo




Hankooda ha sii dhistoo




Waxay tabayaan hadeer




Ha sheegto ayaan lahaa




Habeen qudha maan is odhan




Waxay noqon madal hunguri….. !!!




 




Waynu jeclayn inay si buuxda uga dhab sheegto magaca ay huwantahay waa ayaan daro , nasiib xumo iyo wax laga xumaado inay taasi dhici wayday balse Af-lagaado maah hadaynu nidhaa sonyo way ka cago jiiday kan runsheegi wayday magicii dhalintee maxaa talo ah , isna waydiinan masiirka dhalinta iyo doorkii dhalinta, saxnana khaladaadka jira , si loo helo dhalin ka run sheegta awoodohooda dhalin yaranimo isla markaan la hirdanta duruufah dhalinta ku teedsan, kana hufan dhadhamo iyo inay calooshooda la ciyaaraan.




Dadka qaarbaa u haysta marka qalooc la dhaliilo in shaqsiyaad duulimaad lagu yahay , waa wax baal marsan fikirka suuban ogoow ninka qaloocaag qiraa inuu quruxdaad jecelyahy waayo wuxuu kuu sheegayaa dhaliilahaaga tasoo ka qayb qaadan karta dhismahaag san, dhaliilaha muga culus ee sonyo la saarayna waa wax mudan in ay in badan ka garaaban , dhaliishuna ma qabato nimaan dhaliila lahayn.




Baraaruga dhalintu maaha mid daahay laakin waxaan odhan karaa in badan hadii la tanaasulay waa wakhtigii laga tashan lahaa dhalintuna  ka xoroobi lahaayeen shugux shuguxda la isku fahmay ee aanay waxba ka soo naaso cadayn.




 




W/Q Faysal hashi Ahmed Hashi