Hoos ka Dhegeyso:Wakiilka Xisbiga Waddani ee Maraykanka oo rejadda Doorashada Madaxtinimada oo qabsoonta ku xidhay balanqaadkii Madaxweyne Siilaanyo..
Hargeysa(GNA)Saraakiil sar sare oo katirsan Xisbiga Mucaaridka ah Ee Waddani ayaa maanta madaarka Caalamiga Ah Ee Cigaal ku soo dhoweeyay Afhayeenka Xisbiga Waddani ee Dalka Maraykanka Mukhtaar Mure Warsame oo dalka soo gaadhay.
Mukhtaar Mure Afhayeenka Xisbiga Waddani Ee USA oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay hawlaha horumar iyo habsi u socodka laanta USA Ee Xisbigaasi oo u sheegay inay si wanaagsan ugu socdaan.
Waxanu yidhi ''Xisbiga Waddani North America dad aad u aqoon badan oo karti leh ayaan isugu nimi waxana shaqsiyaadka aan daalayn hadh iyo habeen ee hawlaha xisbiga wadda kamid ah Gudomiyaha xisbiga Muna Fidhin Gudomiyaha garabka haweenka Hodon Abdulahi Kaariye aqoon yahanka dada yar Nasiir Mohamed Maxud dhoore iyo rag kale oo badan oo aan kala dhicin runtii mudoyinkii udambeeyay xafladda aad u waaweyn baanu samaynay oo xisbiga si weyn ayaa loogu soo biiray waxanadba odhan kartaa North America Waa taageerayaasha ugu badan daliilkeedina Waa la hayaa''ayuu yidhi.
Geesta kale Mukhtaar waxa uu si taxadir leh u iftiimiyay dareenadda ku xeeran qabsoomidda doorashadda madaxtinimo ee Somaliland oo uu xusay inaan loo baahnayn inay xiligeeda ka dib dhacdo
Waxanu yidhi ''Dorashooyinka dawladda yar oo aan weli lactiraafin oo geeska afrika ku taala haddi doorashadeedu si cadaalad ah iyo waqtigii munaasibka ahaa u dhacaan waxay muujinayaan horumarka iyo aqoonsiga degdega ah ee Somaliland heli doonto, Wer-wer aad u wayn baanu ka qabnay balse waxa sharaf noo ah in Madaxweynaha laftarkiisu ku dhawaaqay inaan gelin lagu daraynin doorashadda, doorashooyinkuna inay si cadaalad ah u dhacaan waa munaasib''ayuu yidhi Murre.
Halkan ka Dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Codka-Afhayeenka-Waddani-Ee-USA.mp3"][/audio]

Maaha sarkaalkii xisbiga WADDANI ka tirsan ee iftiimiya inay doorashooyinka Madaxtinimadu dib ku iman karo, hase ahaatee dareenkan ayaa ah mkid ay inta badan dadka daneeya arrimaha siyaasaddu maanka ku hayaan, xiligan oo dhamaadka muddo xileedka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sanad iyo badh wax ka yari ka hadhay.
Taasoo caqabadaha ku gedaaman ay ka mid yihiin Doorashooyinka Baarlamaaniga ah oo Muddo dhaafay iyo gaabis dhinaca Xukuumadda iyo Hay’adaha ku shaqo leh ka muuqda.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com