“Hadii qof aanu ka shakino aanu qaadno markaba Bilayska ayaanu ku war-gelinaa si loola socdo”hoos ka dhegeyso Waraysi Mid ka mida Tagsileyaasha Hargeysa..
Hargeysa(GNA)-Dhalinyarada ku shaqaysta Tagaasida yar-yar ee dadku kiraystaan ayaa Muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa, ka dib markii Shirkaddo Tagaasida Kireeya dalka yimaadeen.
Arrintan ayaa fursasho shaqo u abuurtay Dhalinyaro badan oo bilaa camal ahaa iyo kuwo aan awal hore ku qanacsanayn shaqooyinka ay haysteen, kuwaasoo haatan Baabuur Tagaasi ah kaga xoogsada Magaalooyinka waaweyn si ay nolol maalmoodkooda ula soo baxaan, halka markii ay shaqooyin tan ka fiican ka raadsan jireen.
Gawaadhidan ayaa Dhalinyarada laga qaadaa qiimo go’an oo laga doonayo inuu soo xereeyo habeen marka uu maalintii shaqeeyo, taasoo qiimeyaashu kala duwan yihiin, balse marka la fiiriyo aan culays badan ku ahayn wax soosaarka Baabuurtooda iyo wadeyaasha.
Geesta kalena gawaadhidan ayaa qiimaha lagu kiraystaa uga naasilanyahay baabuurtii hore, iyadoo dhinaca kalena adeegooda bulshadu ku raysay, xiliyadda shaqada uu qofku shaqo tegayo iyo marka uu hawlo deg deg ah leeyahay.
Sidoo kale waxa ay shaqeeyaan 24 saacadood,taasoo ka mida waxyaabaha dadku ku bogaadiyay “24 sacadoodba waanu u shaqaynaa, qofku meesha uu doonayo ayaanu geynaa, waanay nagu bogaadiyeen dadku shaqada aanu u hayno”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Maxamuud Xuseen Faarax ah Wiil Dhalinyaro ah oo Gaadhi Taxi ah kaga shaqaysta Magaaladda Hargeysa .
“Markii hore inaanu tahriibno iyo waxyaabo kale ayaan ku fekerayay, laakiinse iminka waanu iska shaqaysanaa, saaxiibadayda kalena waxaan ugu baaqayaa sidaasoo kale”ayuu hadalkiisa raaciyay.
“marka qof aanu ka shakino qaadno marka aanu ka soo noqonaba ciidanka Bilayska ayaanu war gelinaa,waayo amaanka inagoo dhan ayaa u baahan”ayuu kaga jawaabay Su’aal laga waydiiyay doorka ay ka qaataan Ilaalinta nabad-gelyada.
Halkan ka dhegeyso Waraysiga Darawalkan:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Tagsileyaasha.mp3"][/audio]

Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com