Pages

Monday, March 24, 2014

Somaliland: Waxyeelada Sixirooleyaasha oo ka mid noqonaysa dambiyada Caadiga ah


Tiradda Sixirooleyaasha iyo ku lagu tilmaamo saaxiibu shaydaanka ee sanadka lagu arkay Magaalooyinka waaweyn oo walaac ka dhashay..Warbixin




sixuir Hargeysa(GNA)-Booliiska Saldhiga Ibraahim Koodbuur ayaa  xaafadda shacabka ku qabtay Nin lagu eedeeyay inuu Sixiroole yahay oo Qoysas badan u geystay dhibaatooyin dhinaca Caafimaadka ah oo ku khal-khaliyey Noloshooda.




Sixiroolahan ayaa la sheegay inuu caadaystay kala Dilka Qoysaska, ka hor intii aan  la ogaan dhawaan fal  uu ku sameeyey gabadh ka mid ah Qoysaska reer Hargeysa.




Gabadhaas ayaa la wariyay in inta Suuqa laga soo qafaashay loogu keenay xarun uu ku leeyahay agagaarka xaafadda State House-ka halkaas oo la sheegay in uu ku haysto koox uu ku qadhaabto, isagoo sixray markii loo keenay.




Sida laga soo xigtay Haweenay ka mida dadka Dabiiba dadka la sixro ama  mid ka mid ah Culimada Cilaajyada leh ee Diinta Islaamka ku dabiibta dadka xanuunada noocan oo kale ahi ku dhacaan,  Ninka Sixiroolaha ah ee la qabtay ayaa markii loo geeyey uu Baaldi biyo ah oo qadhmuun madaxa u galiyey, taasoo markii uu ka saaray inta uu gaadhigii lagu soo qafaashay dib u saaray ku celiyey Suuqii laga soo kaxeeyey.




Sixirka gabadhan lagu sameeyey ayaa ahaa in iyada iyo Odaygeeda la isku diray, isla markaana waxa uu u qabtay Fal noociisu xun yahay, kaasoo Haweenayda u Urinaya Ninkeeda, isla markaana bedelay Noloshii Qoyskeeda.




Taliyaha Saldhiga Ibraahim Koodbuur ayaa  Wargeyska Waaheen u sheegay in ay hayaan Ninka Sixiroolaha ah isla markaana ay Maxkamadda u gudbin doonaan.




Sixirooleyaal hore




Dadka ku shaqaysta Sixirka iyo kuwa kale ee sheegta inay weheliyaan waxyaabo aan bino’adamka kale lahayn ee Faaliyeyaasha loo yaqaano, ayaa ku soo badanaya Somaliland, kuwaasoo ay Hay’adaha amaanka Somaliland labadii sanadood ee ugu dambeeyay qaar badan gacanta ku dhigeen.




Bishii hore ayaa Maxkamadda Degmada Hargeysa ay Nin sixiroole ah oo sidan oo kale qoysas uga dhex shaqeeyay Xadh iyo Mastaafurin ugu xukuntay, ninkaasoo u dhashay Dalka Itoobiya, khaasatan Kilalka shanaad.




Sidoo kale Nin sheegtay inuu Nebi yahay ayaa bishii Janaury ee sanadkan lagu arkay Magaalada Burco, kaasoo dadka u qaybinayay Kutub yar yar oo ay ku qoranyihiin Aayaddo Qur’aan ah iyo waxyaabo kale oo uu ku muujinayo inuu nebi yahay.




Ninkaasi ayaa Bulshada reer Burco ka yaabiyay “Ninkaasi wuxuu kuu dhiibayaa Kitaab yar oo xaga hore Qur’aan ku qoranyahay dabadeed sidaad u akhriyayso ayuu bad kale kula gelayaa”ayuu Gobanimonews u sheegay  Sugule Axmed Ismaaciil oo ka mida Bulshadda uu Ninkaasi la kulmay.




Isla sanadkii 2013-ka ayaa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex lagu xukumay Nin kale oo Sixiroole ah, kaasoo isaga laftiisu Nabi sheegtay markii dambe, isla markaana dacwaddiisu muddo socotay.




sidoo kale, waxa jira sixirooleyaal goobaha Ganacsiga dhac ugu geysta dadka xoogsatada ah iyo macaamiishooda, kuwaasoo in dhaweyd laga caban balse muddo sanad haatan ka soo wareegay dhicii ugu xumaa u geystay Nin suuqa sarifle ku haystay.




sixrgoobaha ay inta badan kuwa noocaas ahi dhaca ka geystaan ayaa waxa u badan Xawaaladaha lacagta laga diro ama laga qaato iyo Sarifleyaasha, meelahaasoo dadka lacaga ka qaadanaya ay taabasho ku sixraan, ka dibna ka qaataan waxa uu lacag sito., sida dhacday wakhti badan




Wasaaradda Diinta iyo laamaha amniga




Si kastaba ha ahaatee sida ay sheegayaan hay’addaha amaanka iyo kuwa Garsoorka Somaliland dadka lagu soo qabto sixirka iyo waxyaabaha kale ee Diinta Islaamka iyo dhaqankaba ka hor imanaya, halistana ku ah degenaanshiyaha Bulshada ayaa u muuqda kuwo sii kordhaya sanadba sanadka ka dambeeya.




Waxaana loo baahanyahay inay Wasaaradda Diintu arrinta ka yeelato Qorshe lagaga hortagayo, lana badiyo wacyi-gelinta Diiniga ah ee dadka loogaga digayo iyo Shirkiga iyo Shiddooyinka nololeed ee uu leeyahay Sixirka iyo falalka kale ee la halmaala.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com