Thursday, March 20, 2014

Somaliland: Wasiirro ku dhaawacmay Shilal gaadhi iyo Caaqil ku Geeriyooday


xagloBerbera(GNA)-Ugu yaraan afar Masuul oo la socday wefti madaxweynaha Somaliland hogaminayo oo ku soo jeeday Hargeysa ayaa  la xaqiijiyay inay dhaawacmeen Shil gaadhi, ka dib marki ay isku dhaceen Baabuur weftiga ka mid ahaa Deegaanka Geel loo kor oo u dhexeeya Degmada Sheikh iyo Berbera.




Xubnaha dhaawacmay waxa ka mida laba wasiir oo xukuumadda ka tirsan , kuwaasoo kala ah Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir oo Gacan ka jabay iyo Wasiirka Caafimaadka Saleban Ciise Axmed oo isuguna Koomo ku jiraa ilaa hada.




Sidoo kale, Xubnaha Shilkaasi ku dhaawacmay waxa ka  mida Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul iyo Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheikh Cali Ayaanle oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland.Cukuse




Goob-joogeyaal ayaa Gobanimonews u sheegay in Shilkani yimi ka dib markii ay isku dhaceen gaadhi Wasiir xaglo-toosiye watay iyo mid kale oo Weftiga ka mida, laakiinse lama caddeyn karo qaabka isku dhacu ku yimi midka khaldanaa toona.




Weftiga ayaa markii shilku ku dhacay ka soo kicitimay dhinaca Magaalada Burco oo ay labadii Habeen ee u dambeeyay ku sugnaayeen, kuna soo jeeday dhinaca Hargeysa.




Ma jiro wax war ah oo ilaa hada ka soo baxay Laamaha Nabad-gelyada Waddooyinka iyo kuwa amniga toona oo la xidhiidha Shilkan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ku dhaca Wefti ka socda Xukuumadda oo ilaa heer madaxweyne ah.




Dhinaca kale, waxa shil gaadhi isla waddadaasi ugu geeriyooday Caaqil Cabdi Hadoodil oo ka mid ahaa Cuqaasha Gobolka Saaxil, kaasoo u la dhacay Gaadhi Surf ah oo uu watay.




Waxa kale oo shilka Caaqilku ku dhintay ku dhaawacmay Nin kale oo la socday.




Gobanimonews




Berbera Office




Email: editor@gobanimonews.com