Saylac(GNA)-Saddex Wasiir oo ka socda Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay xalay saqdii dhexe ka soo laabteen Dalka Djibouti oo ay caraabo ku galeen isla xalay xili la xidhay xuduudka u dhexeeya labada dal.
Wasiirradan oo kala ah Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan , Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan , ayaa ka mid ahaa wefti Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayo oo xalay u hoyday Magaalada Saylac ee Xeebta Xuduudka labada dal saaran.
Lama oga ujeedada dhabta ah ee ay halkaasi u tageen Wasiirradu hase ahaatee ilo wareedyo ku sugan Magaalada Djibouti ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay inay masuuliyiinta dalka jibouti kala hadleen sidii loo soo rari lahaa qaxoonti sida la sheegay Somaliland ka soo jeedda oo meeshii la dejin lahaa muran ka taaganyahay.
Xaqoontigan oo qorshaha lagu soo rarayo dawladda Jibouti wadato, ayaa la doonayay in la dejiyo Magaalada Lughaya, hase ahaatee waxa ka soo horjeestay dadka deegaanka lughaya oo dhinac kale ka eegay arrintan.
Ma cadda natiijada saddexda wasiir kala soo laabteen dalka Jibouti ee arrintan ku saabsan, balse ilo wareedyada jibouti ka imanaya ayaa intaasi in dalka Jibouti ay ka go’antahay in la soo rarao dadka laysku haysto meeshii la dejin lahaa.
Wasiirrada ayaa saaka ku biiray weftigii Madaxweynaha oo u kalahay dhinaca Degmada Lughaya oo ay Maanta ilaa xili qadihii ku sugnaayeen.
Weftiga madaxweynaha ayaa ilaa caawa ku sugnaan doona Deegaamada Lughaya iyo Xariirad,halkaasoo uu weftigu ku tegay booqasho aanay mudaddeedu cayimnayn oo ku aadan Gobollada Galbeedka.
Wasiirka Dib u dejinta Somaliland ayaa muddo dhawr maalmooda Saylac u joogay sidii uu maaro ugu heli lahaa halka la dejinayo qaxoontigaasi, balse waxa muuqata inaanu wali xal ka gaadhin arrintaasi, inkasta oo uu Taageero uga helay Bulshada Gobolka Selel.
Gobanimonews
Saylac Office
Email: editor@gobanimonews.com