Pages

Tuesday, March 11, 2014

Somaliland oo diiday Dhaqaale loo soo marinayo Dawladda Somalia


africa bankHargeysa(GNA) Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inaanay qaadayn lacag loo soo mariyo Dawladda federaalka Somalia.




Hadalkan ayaa yimi ka dib markii Bangiga horumarinta Afrika Mashruuc loogu talo galay xog uruurinta Somaliland uu sheegay inuu soo marinayo dawladda federaalka ah.




Bangiga ayaa xayeysiinta Mashruuca lagu tayaynayo xog uruurinta Somaliland ku baahiyay Mareegtiisa macluumaad baahinta, waxaanu ku sheegay in qaadhaanka lagu fulinayo mashruucaa dawladda Federaalka Somalia la soo marinayo.




War qoraal ah oo uu soo saaray Caaw Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr: Sacad Cali Shire ayaa lagu sheegay inaanay mashruucaasi ogolaan doonin hadii cid kale loo soo mariyo.




War Saxaafadeedka Wasiirka ayaa lagu yidhi sidan:




 




dr.sacad_Cadayn Mawqifka Deeqda Bangiga Horumarinta Africa




“Anniga oo tixraacayna qodobka koowaad xayeysiis la soo geliyey website-ka Bangiga harumarka Afrika (African Development Bank) ee ku suntan taariikhda 7/3/2014ka, kaas oo leh “ waxay Dawladda Federaalka ee Somalia ka heshay Bangiga Harumarinta Afrika lacag taas oo lagu tayeynaayo xog ururinta Somaliland..’, waxaanu halkan ka cadaynaynaa in lacag gacanta Dawladda Federalka Somalia soo martay aanaan qaadanayn.




Mashruucan hadalkiisu wuxuu soo socdey muddo laba sannadood ah. Fahamkayagu wuxuu ahaa in Bangigu lacagta mashruuca ku baxaysa gacanta ku haynayo, oo aanay gacan kale geleyn, khabiirada loo baahanyahayna kawada hawl-geleyno.




Waanu soo dhoweynaynaa taageerada Bangiga laakiin taageradaasi waa in aanay gacan wadan kale soo marin ee gacantiisa ka soo baxdo.




Wixii faah faahin ah kala xidhiidh




Dr. Sacad Cali Shire




Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta




Tel. 0634240045