Pages

Wednesday, March 12, 2014

Somaliland: 10 sanno ka hor halkay Maraysay wali kamay horumarin Saxaafaddu”Dhegeyso


Xasan Maxamed Yuusuf: ma jiro xeer aanay Saxaafadda Somaliland ogolayn oo cid kale samayn kartaa..Dhegeyso Waraysi




Mustafe Sacad : Wargeysyada dalka ka soo baxaa wali lamay Jaanqaadin Tiknoolajiyadda casriga ah”Dhegeyso




DSC00174 Hargeysa(GNA)-In ka badan todobaatan Suxufi oo ka hawl-gala Warbaahinta Gudaha, xubno ka socday Ururadda iyo Bulshada Rayidka ah, hogaanka Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA iyo Madaxda hay’adda SONSAF, ayaa maanta kulan lagaga hadlayo horumarinta Saxaafadda ku yeeshay Magaaladda Hargeysa.




Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen Meteleyaasha Ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland  (SONSAF), ayaa intii uu socday looga hadlay dhawr qodob oo ay ugu muhiimsanyihiin caqabadaha ku xeeran Saxaafadda iyo sida looga bixi karo.




Sidoo kale intii shirku socday waxa lagu soo bandhigay khaladdaadka saxaafaddu gasho iyo tayadda aqooneed ee Xirfadleyaasha, Mulkileyaasha iyo habka ay Hay’addaha Warbaahintu u shaqeeyaan.




Suxufiyiinta ayaa Aaraa’doodda ku soo bandhigay kulankaasi, waxaanay soo jeediyeen in tobanaan caqabadood oo ku xeeran Saxaafadda iyo habka looga bixi karo, iyadoo waxyaabaha ay soo bandhigeen ay ka mid ahaayeen in la sameeyo goobo lagu horumarinayo aqoonta Suxufiyiinta (Academic Journalists College), in Hay’addaha warbaahinta oo kuwa dawliga ahi ku jiraan ay  xuquuq ku filan siiyaan dadka u shaqeeya, inay dawladdu doorkeedda ka qaadato dhiiri gelinta Warbaahinta, iyadoo dabaqaysa waajibaadka Dastuuriga ah, isla markaana aan saameyn ku yeelanayn madaxbanaani Saxaafadda iyo in Ideecaddo dalka laga furo.




Qodobadaas iyo kuwo kale oo la xidhiidha horumarinta Saxaafadda ayaa Warfidiyeenada shirka ka qayb galay iyo dadka ku wehelinayay soo jeediyeen, iyadoo loo balamay in waxyaabaha kulanka ka soo baxay lagu soo bandhigo shir kale oo 29 Bishan dhacaya.




Shirkaasi ayaa noqonaya kii ugu saddexaad ee ay SONSAF u qabato Saxaafadda, iyadoo ay farsamo ahaan ku wehelinayeen kan maanta dhacay iyo kulan hore oo bishii Janaury qabsoomayba Guddi ka Socota Warbaahinta Madaxbanaan iyo Ururka SOLJA.




DSC00187




 



Guddoomiyaha Dalladda SONSAF Mustafe Sacad oo markii shirku dhamaaday hadlay ayaa sheegay in dib u dhac ka muuqdo Saxaafadda Somaliland oo aanay wali dhaafin halkii ay maraysay toban sanadood ka hor, si halkaasi looga dhaqaajiyona ay qorshe lagu horumarinayo ka wada shaqayn doonaan Ururka SOLJA iyo guddiyo farsamo oo hawsha la wadaya.




 




 



Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/mustafe-sacad-gudomiyaha-sonsaf.mp3"][/audio]




DSC00185




Dhinaca kale, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA  Xasan Maxamed Yuusuf ayaa Gobanimonews u sheegay in natiijada shirarka socdaa noqon doonto mid  salka loogu dhigo horumarinta Saxaafadda dalka, iyadoo aan la kala saarayn.




Xasan ayaa intaasi ku daray in Suxufiyiinta laga dhisayo aqoonta iyo Xirfadda ay ku shaqeeyaan si ay meesha uga baxaan khaladdaad uu sheegay inay galaan oo aan indhaha laga qarsan Karin “ Saddexdii sanadood ee aan SOLJA Guddoomiyaha ka ahaa ayaan ogaaday inaynu dhibaato ku hayno Qarannimada, waxaana maalin walba cabasho iila yimaada qof waxyeelo loogu geystay Warbaahinta oo cabanaya, markaa ma odhan karno maanta Khalad ma samayno ee waxa inoo taala sidee ayaynu isu sixi karnaa”ayuu Xasan Maxamed Yuusuf ka sheegay Madasha Shirka.




Guddoomiyaha Urueka SOLJA ayaa sidoo kale meesha ka saaray jiritaanka Qorshe dawladdu dabada ka riixayso oo la doonayo in Xeer caqabad ku ah madaxbanaanida saxaafadda  loogu gogol xaadhayo kulamada DALLADA SONSAF waddo, waxaanu carrabka ku adkeeyay inaan dalka laga samayn Karin xeer aanay Saxaaafadda Somaliland raali ka ahayn.




“Xeer aanay Saxaafaddu raali ka ahayn oo laynugu cabudhinayo cid samayn kartaa ma jirto, hawsha iminka socotana xeer loogu gogol xaadhayaa ma jiro”ayuu u sheegay Gobanimonews ka gadaal markii shirku dhamaaday.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Xasann.mp3"][/audio]




DSC00189