Pages

Friday, March 7, 2014

S/land:Cidhiidhiga nolosha oo lagu xasuustay dareen 2008-dii X. Kulmiye ka bixiyay sicir-bararka


Qiimaha Xabadda Roodhida ah ee Wershada oo qiimaheedu marayo 2000Shls..Warbixin




“Maanta waxaynu u baahanahay in cashuurta hoos looga dhigo maceeshadda iyo Shidaalka intii suurtagal ah…”




“Sida ay Xukuumaddu wax u wadaa waa kicin shacbi”




SANYO DIGITAL CAMERA“Dhibtu waxa weeye xoolihii oo aynu daayacnay, Kalluunkii oo aynaan  ka faa’iidaysan iyo ….”Kulmiye 2008




Hargeysa, Somaliland, March 06, 2014, (GNA) – Qiimaha maciishadda daruuriga ah ayaa korodhaysay mudooyinkii ugu danbeeyay Somaliland haba ugu daraadeen Roodhida oo tiraba dhowr jeer la kordhiyay, Dhuxusha iyo waliba khidmada gaadiidka.




Dhuxusha ayaa kiishku waxaa uu marayaa 100,000 oo SL/Shiling ah, halka gaastuna sidoo kale ay marayso haddii la helo calaa Litir 7000 Shilingka Somaliland ah.




 Waxana Isa soo taraya cabashadda arrintan la xidhiidha ee ka immanaysa dadweynaha oo fariimo kala duwan u gudbiyay Wargeyska Saxafi oo warbixin mawduucan la xidhiidha Maanta daabacay.




Tilmaamaha Wargeysku bixiyay ayaa sheegaya in qiimaha xabadda Roodhida ah ee wershaduhu  2000 oo shilin marayso. Halkii ay ka ahayd sanad ka hor 1500, taasoo muujinaysa kala lacag ku dhow qiimihii hore.Roodhi




 Sidoo kale, waxaa jira in culays xoogani fuulay gaadiidka,taasoo ka timi dhinaca cashuurta.




Sidaas oo ay tahay, Xukuumaddu waxaa ay ku doodaysaa in ay dedaal badan ka sameysay dheeli-tirka dhaqaalaha dalka guud ahaan iyo horumarinta adeegyadda Bulshadda.




“Sanadkan laftiisa ayaa shaqaalaha iyo ciidanka Mushaharka loo kordhiyay.” Ayuu yidhi sarkaal ka tirsan Xukuumadda oo darajo ahaan hooseeyay si aanu u oggaano dareenkoodda.




 laakiin, markiiba sarkaal kale oo shaqaalaha hoose ee dawlada ka mid ah ayaa agtiisa ka yidhi sidan: “20%-ka la kordhiyay, waxay ku salaysantahay mushaharka rasmiga ah oo aad u kooban ama ah 700,000 oo Shilingka Somaliland ah una dhigma $ 100.




Waxaana ku kordhay boqol iyo afartan kun. Laakiin waxaa ka go’day lacag aan la’I weydiin oo loo jaro Waddooyin oo waxba kama soo hadhaan wixii la kordhiyay.” Ayuu yidhi. Mid kale, ayaa isna la soo booday oo ku dooday in shilinkii la kordhiyayba suuqa laga saaray.




Sida Wargeysku sheegay Waxa taagan su’aallo xoogan oo Jawaabtoodda looga fadhiyo Madaxweyne Siilaanyo. Kuwaasoo ay ugu mudan-yihiin arrimaha saameeya nolosha bulshadda.




“Waxaana addag in  Wargeys ahaan aanu Madaxweynaha Jawaabta ka hello.  Laakiin, waxaanu helli karaa maalmihii mucaaradnimo wakhtiyadda ay cabashooyinka noocan ahi taagan-yihiin Wixii Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigii uu horkacayay markaas ee Kulmiye ka odhan-jireen. Sidaas darteed, anaga oo faalada u daynayna bulshadda cabatay waxa aanu xusuusinaynaa Warsaxaafadeed Kulmiye kaga hadlay Sicir-Bararka June 24, 2008”ayaa lagu yidhi Qormadan oo Tafaftirka wargeyska lagu diyaariyay.Kulmiyey




Wargeyska ayaa soo bandhigay qormada uu Xisbiga talada hayaa walaaca kaga muujiyey dhibaatada Sicir-bararka 6 sanadood ka hor.




Qormadan ayaa lagu yidhi sidan. “ Xisbiga KULMIYE wuxuu aad uga warwarsan yahay qiimaha maceeshadda daruuriga ah iyo Shidaalka oo maraaya meel adag. Waxa kale oo Xisbiga KULMIYE ka yaaban yahay iyada oo aanay Dawlada ka muuqan tabaabusho ay kaga hor tagayso arrinta culus ee inagu soo korodhay, waxa hubaal ah inay dhibaatadani tahay bilow sida ka muuqata sayladaha caalamka.  Xisbiga KULMIYE wuxuu ugu dhawaaqayaa cod dheer in Dawlad, Axsaab iyo shacbiba tallo laga galo sidii xaaladan adag looga gaashaaman lahaa.  Maanta Maceeshadda iyo shidaalka qiimahoodu waxa uu marayaa meel laga argagaxo oo shacbiga intiisa badani aanay iibsan Karin sida hoos ku cad.




 Maceeshadda iyo Shidaalka




Qiimaha




Bariiska 50 Kg




$50




Daqiiq    50 Kg




$50




Naafto one Liter




6,500 Sl Sh




Batrool one liter




5,900 Sl Sh




Gaas one liter




8,000 Sl Sh




Geela/qaliinka




2,100,000 – 2,500,000 Sl Sh




Lo’da/qaliinka




1,500,000  Sl Sh




Adhiga/qaliinka




180,000 Sl Sh




Marka aad isbarbar dhigto xoolaheena qiimahoodii iyo maceeshadii dibeda inooga imanaysay way is waydaarteen oo maceeshadii baa in badan kor u kacday, waa dhibbaato hor leh oo ku soo korodhay dhibbaatooyinkii ina haystay ee dhaqaale xumida. Ummad waliba waxay dhibbaatada kaga baxdaa markay si xaqiiqo ah u deristo dhibaatada haysata. Inaga Somaliland ahaan dhibaatadeena dhaqaale xummo waxay salka ku haysaa seddex qodob: 




1.      Nimcooleyda Eebe ina siiyey waa  Xoolo iyo kalluun. Waana labada maanta Aduunka ugu qaalisan, waxaynu u baahanahay keliya in aynu dhaqaalayno ka dibna suuq gelin fiican u doono.




Dhibtu waxa weeye xoolihii oo aynu daayacnay, Kalluunkii oo aynaan  ka faa’iidaysan iyo xoolaha intii reer miyigu hayey oo aynaan suuq gelin fiican u raadin.




2.      Dhibta kale waxa weeye wixii dhaqaale ina soo gala oo u badan inta qurbo-joogu soo diro ayeynaan si fiican u isticmaalin, inta badan xoolahaasi waxay ku baxaan faakihaysi, sida cunista jaadka, baabuurta yaryar iyo dhal-dhalaal xarago oo aan raasamaal lahayn. Waxayd ahayd in maanta wixii ina soo gala loo jaheeyo waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee mustaqbalka wax ka taraya, sida waxbarashada, warshado yaryar, tacabka dhulka I.W.M.”ayuu Wargeysku soo bandhigay.




Marka la eego Warbixinta Wargeysku daabacay, heerka sicir-bararka ayaa maraya meel aad u xaasaasiya oo aan indhaha laga qarsan Karin, taasoo saameyn ku yeelatay nolosha bulshada qaybaheeda kala duwan.




Hase ahaatee xukuumadda Somaliland ayaad moodaa inaanay wax badan ka dhaadanayn  duruufaha xaga nolosha ee shacbiga haysta, taasoo hadii xisbiga talada hayaa xiligaa dareenka ka soo baxay qabay aanu waxba ka bedelin, ibtiladii Sicir-bararka wax ku sii kordhay mooyaane.




Maceeshadda Quutal-daruuriga ah ayaa ka mida waxyaabaha ugu daran ee aan cid korodhka qiimahooda xadidaa jirin,taasoo markay Ganacsatadu doonaan sicirkooda la kordhiyo, balse marna aan hoos loo dhigin.




Tani waxay qayb ka tahay waxyaabaha sida weyn loogu dhaliilayo Hay’addaha Xukuumiga ah, xataa kuwa ugu sareeya maamulka Dawliga ah oo aan inta badan soo qaadin ama dareen ka bixin cidhiidhiga nolosha dadka haysta.




“Xukuumaddu Cashuur kordhiya mooyaane, maxaa laga dhaxli karaa ma odhanayso. taasina waxay na tusaysaa inaanay dan ka lahayn dadka , balse waxyaabahan oo kale waa waxa sababa kacdoonka”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mida Ganacsatada Hudheelada la seexdo ku haysta Magaalada Burco.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com